Hay’adda IOM Waxay Ka Digaysaa Wararka Leexsan Ee Ku Saabsan Carwada Soo-Bandhigga Sawirada Ee Ka Socda Talyaaniga

0

NAIROBI —Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) waxay la socodsdiinaysaa Shacabka Somaliland in aanay waxba ka jirin hadallada la isla dhex maraayo ee ku saabsan ka qayb-qaadashada IOM ee la xidhiidha carwada soo-bandhiga sawirada ee ka dhacaysa Torino, Talyaaniga. Sawiradani waxaa ay tusayaan kaamam qaxooti oon run ahayn oo ka jira Somaliland kuwaas oo  loogu tala galay dadka muhaajiriinta.IOM_IMG

Mr. Gerard Waite, Madaxa IOM ee xafiiskiisu yahay Nairobi, wuxuu yidhi: “fadlan waxaad  ogaataan in Marwo Suaad Omar Sheikh Isaxaaq, gabadha  qabanqaabisay carwada sawirada lagu soo bandhigay, iyadu ay iskeed u soo diyaarsatay iyadoo ah sawirqaade madax banaan. Marka ay sidan u soo bandhigtayna, waxaa ay samaysay hawshan iyadoon ogolaansho ka haysan IOM.  Sidaa darteed sharaxaad kasta iyo xayaysiin kasta oo ay ka bixisay sawirradani ma aha kuwo sinaba u matelaya hay’ada IOM. Hay’adda IOM masuuliyaddeedu waxaa weeye in ay ka taageerto dawlada Somaliland iyo dadkeeda waxyaabaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin dhinaca socdaalka iyo isku-socodka. Hay’ada IOM marna iskumay dayin, iskuna  dayi mayso hawlo ay ku dhaawacayso sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladda Somalialnd”

Md. Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-u-dejinta, Dib-u-habayta iyo Dib-u-dhiska ee Somaliland oo ka hadlaya hay’ada IOM wuxuu yidhi “ Ilaa 2006, IOM waxay si dhaw ula shaqaysay Dawaladda Somaliland si ay u fududayso culayska ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee qulqulaya iyadoo wacyigalin u samaysa; iyadoo fursado shaqo-abuur ah u samaysa meelaha dadku ka imanaayaan iyo halka ay sii dhexmaraayaanba; iyadoo xoojinaysa isla markaana tayaynaysa maaraynta iyo maamulka socdaalka dhinaca xadadka; iyadoo kor u qaadaysa tayada iyo xirfadaha hay’adaha waddaniga ah, iyadoo ku xoojinaysa xirfadlayda qurbajoogga ah si ay u tabobaraan shaqaalaha hay’adahaas; iyadoo u fidinaysa caawimo toos ah muhaajiriinta tabarta daran. Hay’adda IOM waxay ficil ku tustay inay wanaag u rajaynayso dadka reer Somaliland, waananu ku kalsoontahay in wada-shaqaynta iyo xidhiidhku ahaado mid sii socda.”

Wixii intaa ka faahfaahsan, fadlan la xidhiidh:

AFHAYEENKA IOM EE  KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE  KA DHACAAYA TALYAANIGA: Mr. Liban Mohamoud Essa, Sarakiisha Hay’adda IOM Hargeisa  Tel: + 252 571211 +252 63 4457 455 Email:  Imessa@iom.int, Skype; Liban.mohamoud.essa

AFHAYEENKA WASAARADA DIB-UDAJINTA EE SOMALILAND EE KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE KA DHACAAYA TALYAANIGA: (MRRR): Mr. Adan Abdullahi, Wasiir-ku -igeenka wasaarada dib-u-dejinta:  adandeq2@gmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here