Haweenay u dhalagtay dalka Sucuudi Arabia oo uu miisaanka culayskeedu ahaa 300kg ayaa muddo ku siman 7 bilood ku lumisay 140kg,.
haweenaydan ayaa cusbitaalka ay dawladu maamusho waxa dhakhaatiir ku sugani ay ku sameeyeen qaliin, waxaaay ka soo kabatay culayskii badnaa ee ka fuulay jidhka.
Marwo Thuraya Matyouri ayaa qiratay in miisaankeedu uu hada yahay mid caadi ah, wakhtigana lagu qiyaasay culayska miisaankeedu in uu dhan yahay 160kg.
dhakhaatiirtii qaliinkaasi fulaysay ayaa sheegay in haweenaydani ay ka soo kabatay caqabadii culayska miisaankeeda ka haysatay, muddo shan sano ah ka dibna ay socon karto.
haweenaydan oo warbaahinta u warantay ayaa dhinaceeda sheegtay in ay socon karto “Waan Socon karaa iminka, si caad ahna waan u seexan karaa, alxamdulilaah waxa aan iminka haystaa nolol caadi ah, waxa aanu mahad celinayaa dadkii u caawiyay dhamaantoodba” ayay tidhi
Sagalnews@yahoo.com