Hargeysa: Sanad Baa Laga Joogaa Markii Degmo Ku Taala Hargeysa Ay Mayor Cusub Dooratay

0

Maanta Oo Kale Sanad ka hor ayay ahayd markii Magaaladda Hargeysa lagaga dhawaaqay Mayor cusub, kaas oo ay doorteen dadka degan Xaafada Koonfurta Magaaladdu.

Dadkan ayaa Xilligaasi ka cabanayay wax qabad la’aanta dawladda hoose ee Hargeysa, waxaanay ku dhawaaqeen in si ay u helaan adeegyadda iyo baahiyaadka aas-aasiga ah ay doorteen mayor iyo ku xigeen cusub.

Xukuumadda dhexe ayaa Xuseen Shabeel Ibraahim oo ahaa Mayorkii loo doortay in uu hogaamiyo labada degmo ee Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge xabsiga u taxaabtay iyada oo uu ku wehelinayay ku xigeenkiisii, hasayeeshee markii danbe ayaa xabsiga laga sii daayay, Ka dib markii is af garad laga gaadhay waxyaabihii ay dadka deegaankaasi ka cabanayeen.

in dadka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ay ku fekeraan doorashadda mayor u gaar ah degmooyinka ay degan yihiin ayaa ka dhalatay ka dib markii ay duqa caasimadda iyo golahaba ku eedeeyeen in ay ka seexdeen qurxinta iyo wax qabadkii ay ku sugaysay caasimaddu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here