Hargeysa: Masjid Si Casri Ah Loo Dhisay Oo Xadhiga Laga Jaray

0
211

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka masaajid cusub oo uu hirgaliyay Ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise ayaa Xalay waxa lagu qabtay magaaladda hargaysa.

Munaasibada furitaanka oo lagu dhex qabtay masaajidka ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Ganacsadaha dhisay Masaajidka Rashiid Ibraahin Ciise,Sheekh Axmed Cabdi Salaan (Sheekh Axmed iid) iyo Culimo badan oo goob joog ka ahaa furitaanka masaajidka.

Masaajidka ayaa waxa salaadaha ku tukan karaan dad ay tiradoodu gaadhayso kun iyo afar boqol oo qof taasi oo muujinaysa sida uu xajmi ahaa u balaadhan yahay masaajidku,waxaana sidoo kale loo qabeeyay si loo saari karo dabaqyo kale oo dheeraad ah sida uu cadeeyay injineerka sameeyay dhismaha masaajidka.

Masaajidkan ayaa waxa casharaddaha diiniga ah,tafsiirka quraanka kariimka ah iyo Axaadiisa ka dhigi doona sheikh Axmed Iid oo ka mid ah culimadda waawayn ee Somaliland,waxaana uu sheekhu isku xil qaamay inuu bulshadiisa baro cilmiga diiniga ah iyo sunadda rasuulka(NNKH)

Ugu horayn waxa munaasibada furay ganacsade Rashii Ibraahin Ciise Oo ah ganacsadaha dhisay masaajidka waxaana uu sheegay inuu u ducaynayo shirkadda fulisay dhismahan quruxda badan ee masaajidka,waxaana uu ka waramay lacagta ku baxday dhismaha masaajidka.

“ilaahay ayaa mahad leh ilaaha i waafajiyay inaan dhisno masaajidkan ayaa mahadi u sugnaatay,waxaanan u mahad naqayaa xukuumadii hore ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo ay inagala fadhiyaan wasiiradda hawlaha guud iyo diinta iyo Aw Qaaftu,waxaanan sidoo kale u mahad naqayaa shirkadda dhistay masaajidkan oo u dhistay sida fooqyadda taasi oo uga dan lahayd in la dulsaari karo toddoba dabaq oo kale kaasi oo ahaa fikir wanaagsan oo jiilalka dambe anfici doona,waxanan odhan karaa masaajidka sidii ugu quruxda badnayd ayaa loo dhisay.

Intaas waxa uu ku daray ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise isaga oo ka hadlay lacagta ku baxday dhismaha masaajidka.”lacagta masaajidka lagu dhisay lacagteedu waxa weeyaan afar boqol iyo laba kun oo dollar marka lagu daro labadii guri ee loo iibiyay inamadii laga raray goobta laga dhisay masaajidka,waxaanan idin leeyahay waa kaas caawa dhisan masaajidkii cidna kama xigo ee waxaan ka mid ahay uun dadka ku tukan doona masaajidka.

Dhinaca kale waxa isaguna madasha ka hadlay sheikh Axmed Cabdi Salaan (Sheekh Axmed iid) oo masaajidka ka ku dhigi doona casharo joogt ah oo ku saabsan diinta islaamka iyo shareecadiisa,waxaana uu u mahad celiyay Ganacsade rashiid Ibraahin Ciise.

“waxaan u mahad celinaynaa walaalkeen ganacsade Rashiid ibraahin ciise oo inoo hirgaliyay masaajidkan quruxda badan ee aynu maanta furitaankiisa iskugu nimid,waxaanan u ducaynaynaa ganacsadaha oo waxa aynu leenahay meel fiican ayaad wax gashatee ilaahay janooyinkiisa hakuugu abaal gudo caawa masaajidkan aynu joognaa sida la sheegay meel fiican ayaa dhismihiisa laga taagay,waxaana uu noqon doonaa ilaahay idinkii goob jaamacadeed oo ku camiran cibaado iyo cilmi labaddaba,masaajidka looma dhiso oo kaliya in lagu tukado ee waxa loo dhisaa in laga aflaxo oo jiilkeena Dambe ay ka soo baxaan,waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in ay halkan noqoto goob cilmi oo loo soo arooro oo lagaga dhargo cilmi kitaabka alle iyo siiradiisa macaanka badan.

Sheikh Axmed Iid ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaasi raaciyay.”Halkan waa gurigii ilaahay waana meesha uu alle ugu jecl yahay oo meesha alle lagu caabudayo oo digriga ilaahay lagu koryeelayo way ka mudan tahay goobaha kale,markaas in aynu camirno weeyaan oo cilmiga lagu dhigayana laga faa’idaysto.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Axmed oo xadhiga ka jaray masaajidkan cusub ee laga hirgaliyay badhtamaha suuqa ayaa tilmaamay in ganacsadaha dhisay masaajidkan iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha ay ilaahay agtiisa sharaf iyo karaamo ku leeyihiin.

“masaajidku waa halkii ilaahay lagula xidhiidhayay markaas inuu qurux badnaado oo udgonaado ayaa loo baadhan yahay mid kalena waa halkii wada jirka ummadu ka bilaabmayay masaajidku,waxaanan u mahad celinayaa ganacsade rashiid oo isagu inoo dhisay dhismahan quruxda badan ee maanta uu halkan ka dhisay,ilaahay qofkii masaajid dhisa isna waxa uu janadda uga dhisaa guri markaas waxaanu ku leenahay ilaahay cilmiga,maalka iyo ubadkaba hakuu barakeeyo camalkan wanaagsan aad samaysayna ilaahay miisaanka xasanaadka hakuugu daro.

Camiidka kuliyadda shareecadda ee jaamacadda golis oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday qaabka ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo masaajidka isla markaasina lagu dhiirado in laga faa’idaysto casharadda diiniga ah ee ka baxaya.

“Ilaahay qofka dhisa masaajidka isaguna waxa uu janadda uga dhisaa guri markaas qofkasta waxa looga baahan yahay inuu muujiyo dadaalkeeda oo loo dheereeyo dhisida masaajidka si alle inoogu barakeeyo cilmiga,cuudka iyo awlaadaba,markaas maanta waxa aynu madasha uga ducaynaynaa Ganacsade rashiid oo isagu maanta dhisay masaajidkan ilaahay ayaa khayrkiisa siin doona oo u barakayn doona maalka iyo ubadkaba.

Gaba-gabadii waxa iyaguna madasha ka hadlay culimo kale oo waawayn kuwaas oo dhamaantood iska daba maray ducada ay u fidinayaan ganacsade rashiid iyaga oo ilaahay uga baryay inuu khayrkaas uu sameeyay uu ugu daro miisaanka xasanaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here