Hargeysa: Ciidanka Dab Damiska Oo Xalay Ka Hawl Galay Bakhtiinta Dab Ka Kacay Meherad Ku Taala Suuqa Waaheen

0

Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay damiyay dab qabsaday mid ka mida meheradaha ku yaalla badhtamaha suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa isla markii lagu soo wargeliyay dabkaas ka hawlgalay una gurmaday si degdeg ah waxaana ciidanku dabkaas oo fidi lahaa ku xakameeyeen meheradii uu ka bilaabmay oo ahayd meherad lagu iibiyo agabka laysku qurxiyo. Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay dabkaa ka badbaadiyaan Suuqa intiisa kale, kaasoo oo halis galiyay meherado badan oo ku yaalla suuqa.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo hawlgalkan ka hadlay ayaa ka warramay qaabka ciidanku u soo gurmday waxaanuu sheegay in ciidanku isla markii ay goobta yimaadeen ay jabiyeen albaabkii meherada, waxaana hore ugu sii socdeen gudaha meherada oo dab weyni haystay, iyadoo ilaahay mahadii ciidanku dabkaas halkii ay ugu tageen ku damiyay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in caqabad ay noqotay in ciidanku gudaha u galo Bacadlaha, maadaama aanay jirin waddooyin waaweyn oo gaadiidka dab-demisku si fudud uga geli karaan, waxaanuu taliyuhu tilmaamay in muddooyin badan talooyin ku soo jeediyeen in wax laga qabto marinada loo soo maro bacadlaha inay noqdaan kuwo si sahlan loo mari karo.

Dhanka kale taliyuhu wuxuu talooyin u soo jeediyay ganacsatadu in meheradaha habeenkii iyagoo korontadu u baxayso laga tagayo, in loo sameeyo waashmaan gudaha jooga oo la socda xaalada meherada, sidoo kale taliyuhu wuxuu ka hadlay shil baabuur oo  ka mida gaadiidka shacabku uu ishortaag shaqo ku sameeyay gurmadkii ciidanka kadibna dhaawac soo gaadhsiiyay gaadiidkii iyo laba ka mida xubnaha ciidanka oo dhaawac sahlan soo gaadhay, waxaanuu taliyuhu u sheegay in wadayaasha gaadiidku marka ay gurmadka hoonka gaadiidka ciidanka maqlaan ay u banneyaan waddada.

Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa caasimada ayaa iyaguna dhankooda ciidanka kala qayb qaatay gurmadkan gaar ahaan dhanka amaanka. Hawlgalkan waxaa ka qayb qaatay dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska caasimada.

Ciidanka ayaa dhawr oo hore damiyay dab noocan oo kale ah oo ka dhacay suuqaas, ugu dambayna hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana ciidanku dabkaas ka xakameeyeen bacadlaha intiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here