Hargeysa: Ardaydii Ugu Badnayd Oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada ADMAS + Sawiro

0

Hargeysa(Sagalnews)munaasibad balaadhan oo loo qabtay qalin jabinta arday dhan 413 oo ka qalin-jabiyey jaamacada ADMAS ee Magaalada hargeysa taasi oo noqonaysa dufacadii 7aad ee ka qalin-jabisa,munaasibadani oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay madaxeyne ku Xigeenka jamuuriyada Somaliland Craxmaan C/laahi Ismaciil Saylici Wasiiro Saddexda Xisbi Qaran Maayirka Caasimada Hargeysa Saladiin Cuqaal masuuliyiin Iyo waliba marti sharaf kale.

Qalin-jabintani balaadhan ayaa ahayd mid mudooyinkii u danbeeyba isha ay ku haysay dadka wax ka barta iyo waliba daneeyeyaasha jaamacada ADMAS taasi oo ay ahayd mid ay ilyartu isqabsatay ayaa waxa ka muuqday maamul hanaan toosan iyo xaflad si meeqaamsare ah loo soo agaasimay.

Ugu horayn waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada ADMAS mudane Ixsaan Cumar Ismaciil oo ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay hambalyona u diray ardaydii ka qalin jabisay jaamacada ADMAS .

Gudoomiyaha Guud ee jaamacad ADMAS Fadhigeeda Ethiopia Mr Muller Sayaga ayaa isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in jaamacada ADMAS ay ka qalin-jabiyaan tiradani ardayda ah waxaanu u Mahad celiyey sida weyn ee ay uga qayb qateen ardayda iyo walidiintuba in ay qabsoonto muasibadani qalin-jabinta ah waxaanu hambalyo kala duwan u diray Maamulada jaamacada ee Somaliland Iyo Puntland.

 Ardayda qalin-jabinaysay oo Goobta hal mar dhinaca bidix u jeedisay fulka koofiyada oo ay micnaheedu noqonayso in wakhtigaa wixii ka danbeeya ay yihiin kuwo qalinjabiyey waxaana indhaha in ka badan 410 arday ee qalin-jabinayey ka muuqatay farxad aad u balaadhan.

Maxamed Kaahin Axmed Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee xisbiga talada haya ee kulmiye oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay mid lagu faano in la helo tirro arday ah oo sanad kasta ka qalin-jabisa Dhamaan jaamacadaha dalka kuwaasi oo ah hogaamiyayaasha maanta kuwaasi oo inta badan wax balaadhan ka badala hanaanka horumar ee dalkan Somaliland ku hiranayo.

DSC09746

Faadumo Siciid ibrahin oo ka wakiil ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa iyana goobta ka hadashay taasi oo ardayda kula dardaarantay in ay noqdaan mid ku xidhan ilahay oo ay saxiib dhaw ka dhigtaan ALE Subxaanahu watacalaye iyo in ay ugu horaynba ay u Mahad celiyaan walidkood oo ay mudnaanta leedahay hooyadu madaxana ay ka dhunkadaan.

Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen ‘’Waraabe’’ oo hambalyo u diray ardaydani martida loogu ahaa Hoolka ay munaasibadu ka socotay oo ahaa ardaydii qalinjabinaysay ayaa sheegay in ay dawlada iyo ganacsatada dalku shaqo abuur balaadhan ay u sameeyaan ardayda tirada badan ee ka qalin jabinaysa jaamacadaha dalka waxaanu wax kooban ka taabtay marxaladihii kala duwanaa ee dhinaca waxbarashadu ay soo martay Somaliland kaasi oo sheegay in meelo dhaadheer loo doonan jiray waxbarashada caalamiga ah ee heerka jaamacadeed.

DSC09072

Madaxdii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay madasha oo shahaadooyin gu doonsiiyey ardaydii kala duwanayd ee ka qalin jabisya Jaamacada,Waxa Goobtaasi laga yeedhiyey ardaydii ugu saraysya 7 qaybood ee jaamacada :-

DSC09209

C/fataax Daahir Xasan Kuliyada Maamulka Iyo Maaraynta
Muniira   Kuliyada Dhaqaalaha
Maxamed Ibraahin Maxamed Kuliyada Nashqadaynta Iyo Dhismaha
Sihaam Saalax Yuusuf Kuliyada Xisabaadka
Mukhtaar Maxamed Cumar Kuliyada Siyaasada
Maxamed Cabdilaahi Maxamed Kuliyada Culuumta tignolajiyada
Saado Cali Ibraahin Kuliyada Horumarka
Cali Mukhtaar Qamar Kuliyada Culuumta Sayniska

Geesta kale waxa halkaasi laga shaaciyey sadexdii arday ee ugu sareeyey iyo waliba si guud ardaygii ugu sareeyey jaamacada oodhan.

Cali Mukhtaar Qamar
Sihaam Saalax Yuusuf
Maymuuna Ciisa

Waxaana Ardaygii ugu sareeyey loo aqoonsaday in ay tahay Sihaam Saalax Yuusuf oo ah gabadh dhigan jirtay kuliyada xisaabaadka taasi oo uu madaxweyne kuxigeenka Somaliland uu koob ku gudoonsiiyey munaasibadaasi.

Gaba-gabadii waxa hadalo kooban ka jeediyey madaxweyne ku Xigeenka jamuuriyada Somaliland mud C/raxmaan C/laahi Ismaciil Saylici oo la wadaagay farxada ardaydani ka qalin jabisya jaamacada ADMAS kaasi oo sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu kala soo qayb galo ardaydani maanta qalin jabinaysay.

Kaasi oo u Mahad naqay jaamacada ADMAS oo ka mid ah jaamacadaha ugu waa weyn Somaliland ayaa waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku in ay Somaliland guul weyn u tahay in ay hesho dhalin aqoon leh oo dalkani wax weyn ka badali karta waxaana ay ku soo gaba gabawday munaasibadani ilyartu is qabsatay ee ADMAS Jawi Farxadeed oo nabdoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here