Hanti Dhawraha Guud Oo Albaabada U Xidhay Xafiisyadda Shirkada Amaanka Madaarada Somaliland

0
726

Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa xidhay xafiisyadda Dhaqaalaha iyo Maamulaha guud ee Shirkada amaanka Madaarada ee RSM.

Hanti dhawraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo Eryal u waramay ayaa cadeeyay in uu socdo baadhitaankaasi isla markaana ay sii wadi doonaan baadhintaankooda marka ay dib u soo laabtaan masuuliyiinta shirkadaasi oo dalka dibadiisa ku maqan. “Horta in aanu xidhno xafiis dakhli qabanayaa waa shaqadayadii maalinlaha ahayd ee aanu qaranka u qabanayno, tanina waxa ay ka mid tahay shaqadayada.

Way jirtaa shalay in aanu tagnay xafiiska Shirkada madaarada Somaliland ugu xil saaran amaanka ee la yidhaahdo SRM.

Shirkadaas sharciga ayaa noo fasaxaya, waxaanan xidhnay xafiiskii dhaqaalaha iyo xafiiskii Maamulaha oo labaduba ku maqan Dubai.

Markaa waxa uu noo sii xidhnaan doonaa ilaa inta ay ka imanayaan, si ay baadhistu halkeedii uga sii socoto” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Dirir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here