Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka 2019

0
136
Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Haldoor Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera .
Haldoor  Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa dadweynaha reer berbera aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorashada soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera ,Farxadan iyo qalbisamaanta bulshada reer berbera ku qaabisay musharaxnimada Haldoor Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) ayaa waxa sabab u ahayd doorkii iyo kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu kasoo qaatay horumarinta degmada berbera mudadii dheerayd ee uu kasoo shaqaynayey Dawlada Hoose ee Degmada Berbera oo uu mudo ka badan 14 sano kasoo shaqaynaayey Waaxyaheeda kala duwan, taasi oo ay taariikhda u gashay kartidii iyo hawlkarnimadii balaadhnayd ee uu layimid, Isagoo sidoo kale ku suntanaa daacadnimo iyo sinaan cadaaladeed oo uu waqtigaas bulshadiisa ugu shaqeeyey isla markaasina uu ku kasbaday dhamaan Bulshada kala duwan ee deegaanka Degmada berbera.
 Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) ayaa sidoo kale waxa uu kaalin muhiima ugu jiraa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada berbera isagoo isla markaasina ah shaqsi bashaasha oo dhalinyaro iyo waayeel bulshada reer berbera qiimeyn iyo karaamo kaga mutaystay hab-dhaqankiisa shaqsiyeed ee ku suntan samafal iyo ku-tiirsanaanta bulshada gobolka saaxil guud ahaan isagoo isla markaasina ah shaqsi ka dheeraaday cunfiga qabyaalada iyo aafooyinka bulshada kala qaybiya dhamaantood.
Haldoor  Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) oo mudooyinkii ugu danbeeyey kamid ahaa Siyaasiyiinta miisaanka culus ku dhex leh guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana Gobolka Saaxil ayaa waxa uu kasoojeedaa qoys balaadhan oo ka caana gobolka saaxil iyo gayiga Somaliland , Isagoo isla markaasina  ah khabiir mudo dheer kasoo hawl-galaayey Dawladda Hoose Berbera oo Waayo-aragnimo balaadhan u leh habka iyo hanaanka shaqada dawlada hoose ee Berbera
Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Haldoor Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal Bari) Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.
       Allaa Mahadleh
Xuseen Warsame Nuur
Berbera/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here