Halista Cudurka Covid 19

0
Fayrasyadu dhammaantood waxay sameeyaan is dhalanrog( Mutation) Fayraskan sababa covid-19 oo isna loo yaqaan SARS-COV-2 isna kama duwana fayrasyadaas samaynaya is dhalan rogga
Inti lagu jiray dhibkan caalamiga ah ee adduunka oo dhan wada gaadhay ee uu keenay covid-19 wuxu is bedelay marar kala duwan Qaar ka mid ah noocyadii dhawaanahan soo baxay ayaa iyagu aad isu bedelay si dhakhso leh oo xawli ah waxaanay walaac ku keentay adduunka oo dhan
(1) UK Variant
Wadanka Ingiriiska ayaa helay Nooc ka mid ah covid-19
Noocan oo loo yaqaan B.1.1.7
Noocan ayaa leh Noocyo badan oo qaybsan ah ama noocyo badan oo isbedello ah
Noocani wuxu ka fidis badan yahay oo si dhakhsi ah uga fidis badanyahay noocyada kale ee covid-19
Bishii Januray ee sanadkan 2021 khubaro ingiriis ah ayaa sheegay in noocani uu ka dhimasho badanyahay noocii hore walise daraasayntiisi baa socota waxaanay u baahanaysaa daraasayn dheeraad ah si loo xaqiijiyo taas
Noocan waxa laga helay wadamo badan oo adduunka ah
Astaamihiisa Marka la barbar dhigo covid-19 kii Asalka ahaa Qaybsanka ka hor
(A)Qufac ka badan kii uu keenay covid-19 kii Aasalka ahaa Noocan loogu magac daray UK Variant Qofku wuxuu yeelanaya Qufac %35 Halka Covid-19 kii Hore Qofku yeelanayey Qufac %28 Boqolleyda korodh ee Qufaca %7
(B) Daal iyo Tabar Darri: Noocan UK wuxuu lleeyahay daal iyo tabar darri ka badan noocii uu ku bilaabmay covid-19 Boqolley ahaan %32 Ayuu Qofku Dareemayaa Daal iyo tabar darri halka Noocii hore uu qofku dareemayey %29
(C) Madax Xanuun: Noocan wuxuu leeyahay madax xanuun ka badan kii hore %32 kii hore %30
(D) Murqo Xanuun ka badan murqo xanuunkii hore %32 ayuu qiyaas ahana yahay noocan cuusb halka ka hore yahay %30
(D) Cuno xanuun: Cuno xanuun ayuu leeyhay ka badan kii hore kan cusub %22 halkka uu kii hore noqonayo %19
(E) Xuma/ Qandho: wuxuu leeyahay xumad/Qandho ka badan kii hore %22 iyo %20
(F) Dhadhanka oo kaa Taga: Halkan wuu kaga duwanyahay kii hore ee balwgii oo noocan cusub waxa yar in qofka dhadhanku ka tago %16 ayuun baanay dhici kartaa halka uu kii hore ahaa %19
(G) Urta oo kaa tagta: Halkkan wuu kaga duwanyahay %15 ayuun bay urtu kaa tegaysaa halka uu kii hore ahaa %19
(2) South Africa Variant
Koonfur afrika Iyana nooc kale ooo la yidhaahdo B.1.351 ayaa ka soo baxay isaga oo ka go’ay ama ka madax banaanaaday am aka dhambalmay Nooca B.1.1.7
Asal ahaan noocan waxa la ogaaday bilawgii ocotober 2020
B.1.351 wuxuu la wadaagaa xoogaa isbedel ah B.1.17
Kiisaska Xanuun ee uu keenay noocani waxa laga soo shegay oo laga diiwanageliyey maraykan Dhamaadkii bishii January ee sanadkan 2021
(3) Wadanka Brazil isna waxa lagu arkay oo ka soo baxay nooca loo bixiyey P.1 waxaana markii u horreysay lagu arkay dad safar ahaa oo ka yimi brazil taas oo shaybaadhkii joogtada ahaa ee Airport ka lagaga dhex helay Bilawgii January 2021
Noocani wuxu ka koobanyahay oo uu leeyhay qaybsan dheeraad ah tas oo saamayn ku yeelan karta inay gartaan ama aqoonsadaan unugyada difaaca jidhku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here