HAGRASHADA SHAQAALAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA, IYO HANTI DHAQASHADA AGAASIMAHA!!! @COVID-19!! Q.1aaad

0

HAGRASHADA SHAQAALAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA, IYO HANTI DHAQASHADA AGAASIMAHA!!! @COVID-19!! Q.1aaad  Waxa Qoray Mustafe Tashad
*************************************
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland ee ay ahayd inuu maanta sannadkaa iyo shantaa billood ee lagu jiray xaallada cudurkan aduunyada saamaynta wayn ku yeeshay ee Covid-19 , inuu isbedel muujiyo waxaa uu billaabay inuu isla maalinkii cudurkaasi billaabmay inuu ganacsi iyo mashaariic ka samaysto dhaqaalihii loogu tallo galay cudurka Covid -19 .

Haddii aan taxo cadaymaha loo hayo inuu musuq ragaadiyay oo wasaaradda caafimaadka doorkeedii ka reebay waxaa ka mida kuwan soo socda : –

1. Agaasimuhu waxa uu bilaabay markasta inuu isha dhaqaalle ee wasaarada caafimaadka JSL gacanta ku dhigo oo uu jeebka ku shubto sida Machine kii ay haayada ‘WHO’ ku caawisay Cisbitaalka guud ee Hargeisa . Machine oo ay soo maraan ugu yaraan maalinkasta 100 qof oo dhoofaya ama ugu badnaan 300 qof . Celcelis ahaan maalinkay ugu yartahay waa waa 150 qof oo waddanka ka baxaya oo qof kasta laga qaado $45 oo lacagta maraykanka ah sidaas darteed waxaa uu maalinkii soo saaraa cisbitaalka guud ee Hargeisa machine ka covid 19 ka lagu baadho .
Sidaas daraadeed waxa uu maalinkii soo saaraa Machine kaas dakhli dhan $4500 Dollars . Taas oo bishii noqonaysa lacag dhan $135000 Dollars . Lacagtaasi ama aduunka intaasi xadigiisu yahay maanta waxay wax badan ka qaban lahayd waxtarka caafimaad ee bulshada Hargeisa ku nool oo cisbitaalka way anfaci lahayd balse nasiib daro waxaa la wareegtay oo lacagtaasi ay ku dhacdaa Account ka wasaarada caafimaadka .
Runtii haddii si fiican loo maarayn lahaa taasi may dhacdeen waqtigan adag ee xaalada covid 19 ay galaafatay hooyooyin iyo aabayaal aan helin adeeg caafimaad oo waafi ah habayaraatee .
2. Xagee ayuu Agaasimaha wasaarada caafimaadka JSL ka helay lacagta uu ku iibsaday beer ku taalla deegaanka degmada Arabsiyo taas oo qiimaha uu beertaasi ku iibsaday ay dhamayd $140000 Dollars ah kadibna uu galiyay oo ku sameeyay Laba riig oo qiimahoodu dhanyahay midkiiba $36000 Dollars taas oo noqonaysa $72000 Dollars si uu Hargeisa biyaha ugu iib keeno . Waxa markhaati ma doon ah qofkii xaqiida doonayaa inuu ogaado wuu soo booqan karaa safka ay booyaduhu ugu jiraan ciilasha riigaga ah ee uu beertiisa ka sameeyay si uu biyaha ugu iib keeno magaalada caasimada ee Hargeisa . Dadkeenii miyiga deganaa maanta abaaro ayaa haleelay xoolahoogiina rag baa ganacsi ka samaystay .

3. Wasiirku shaqo maba qabto aan ahayn inuu ku joogo mansab siyaasadeed . Oo haddii warqad ama saxeex aad uga baahato agaasimahaasi waxaabad moodaysaa inaad xafiis madaxwayne hor taagan tahay calaashaan safka loogu jiro .

4. Dhamaan contracts, iyo shaqo bixintaba waxa uu ku hayaa eexaysi ama qabyaallad cad oo aan leexleexad lahayn .

Haddii aynu intaasi ku dhaafno musuqa ragaadiyay wasaarada caafinaadka JSL waxa iswaydiin mudan miyaanu ogayn madaxwaynaha JSL mudane Muse Bihi Abdi waxa ka socda wasaaradda caafimaadka iyo dhibaatada bulshadeena masaakiinta ah haysata .

F.G: waxa is casilay maanta isuduwahii wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.
Isagoo ku sababeeyay xaaladda COVID-19, iyo sida wasaaraddu ugu fashilantay wax ka qabashada.

Halyeygii jihaadiyo
Kii hunguri u leexshee
Hoobaansho luquntoow
Taariikhdu way hadhi
Waanay kala hufmaysaa
Oo heegada saray tagi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here