Haddii Aan Kor Loo Qaadin Aqoonta Shaqaalaha, Waxaad Filataa Guul darro

0

Marka dhismaha dawladnimo laga hadlayo, waxa jirta marxalad hadaan xooga la saarin xoojinteeda ay dalalku fashilmaan.

Waa marxalada afka qalaad lagu yidhaahdo “Institution Building”. Heerkan, Somaliland oo lagu tilmaamo wadamada colaadaha ka soo doogayaa boqolkiiba halna(1%) kama hayso.

Tusaale ahaan waxad moodaa inayna xafiiska iyo masuulku kala hadhin. Marka qofka la waayo, xafiiskana waa la waayayaa.

Hayadaha ma yaalaan xusuuso(memory) marka qof xilka ka tago, ka kale kala wareegaa. Malaha habraac.

Shaqaalaha aqoonta laguma qiimeeyo. Malaha Strategy qoran oo la kala dhaxlaa. Hogaamintu way liidataa.

Marxaladani waa mid aad u adag oo dawlado waaweyn oo dhaqaale lihi ku saaqideen.

Maalmahan waxad arkeyseen Dr Sacad, wasiirka maaliyada, oo kala hadlaya. Maxaa ugu wacan ayaad isleedahay? Dee meesha uu tagey ayaan hagaagsanayn oo aaney ka jirin islaxisaabtan iyo cadcadaani.

1996 guurtidii la doortey ayaa wali fadhida oo aaney sameysneyn habkii lagu soo dooran lahaa.
2005tii golihii wakiilada ee la soo doortey, ayaan lahayn si lagu soo doorto.

Marxaladani waata iskeed isku soo Handaraabtey. Cid kale oo dibada ah lagu eedeyn maayo. Somaliland ayay wax weyni ka khaldan yihiin.

Hore afar marxaladood ayay uga soo gudubtey. Afartaas oo kala ahaa:
1. Dawlad ku dhawaaqii 1991
2. Nabadeyntii iyo hub ka dhigistii
3. Aasaaskii qaab dhismeedka dawlada
4. Bilawgii xusbiyada

Hada waxay mareysaa marxaldii (5). Waa halka Somaliland tijaabadeedu taalo. Hadii aan aqoon iyo daacadnimo la adeegsan sidii heerkan looga gudbi lahaa, fashil iyo kala dhaqaaq filo.

Mohamed Ilyas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here