“Hadalkaygii Waa La Leexiyay, Edna Adena Waxay Jeceshahay Somaliland” Marwo Edna Aden

0
233

Ergeyga Somaliland u qaabilsan Somaliland wada hadalada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa markii ay ugu horeysay waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Somaliland ay sugayso dawlad ka dhalata soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in hadalkeedii la duway, isla markaana loo sameeyay macno kale oo aanu lahayn, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa  “Maalmo Dhaweyto Edna Aadan Ismaaciil, Ina Adan Dhakhtar Been baa laga sheegay, ilaa maalintii aan 17 sano jirka ahaa ilaa maanta wariyeyaal way I ag joogeen, warbixino waa la iga duubayay, aniga ayaaba BBC-da ka shaqayn jiray markii aan Ardayada ahaa oo ay ahayd shaqadayda, marka aan doonayo shaqo dheeraad ah.

Waxa la iga duubay Warbixin waxaana la siiyay tilmaan ka duwan warbixintii aan siiyay, qofkii Edna Aadn Ismaaciil yaqaanaana Wuu yaqaanaa halka ay qadiyadda Somaliland iga joogto iyo dalkayga iyo dadkaygaba.

Umalayn maayo in uu horena u dhashay, dibna ka dhalan doono qof aniga Somaliland iga jecel, Edna aadana maaha dadka wax lagu iibsan karo, dad talaaba oo xagaas u talaaba soomaaliya, la mid ma ihi, la summad ma ihi, kuwii xagaas u talaabayna ha ku maqnaadaan,  edna laakiin waa Somaliland, Somaliland bay u dhalatay, Somaliland oo xor ah oo calankeedu ka taagan yahay qaramada midoobay ayaan ilaahay waydiisanayaa, cadawgeenu wuu ka nixi, ka Somaliland jecelna wuu ku farxi” ayay tidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here