“Ha ku mashquulin cidda aan ahay e, usoo bandhig ummadda iyo Madaxweynahaba”

0

Sagaal agaasime guud ayay gaar u saareen, waxaanay tiro ahaan barbar dhigeen tirada agaasimayaasha guud ee magacaaban. Waxa ay tilmaameen in saamigaasi yahay – ugu yaraan – mid aan habboonayn.  Waa kala jaad in aad tidhaa intaas oo agaasime guud ayaa reer hebel ah iyo in aad tidhaa caddaalad darro ama saami qaybsi xumo ayaa dhacday. Tirada miyaa la simi lahaa? Haddii la simo, yaa yidhi caddaaladdu sidaas ayay ku jirtaa? Imisa ayay tahay, marka lagu eego indhahaaga, in laga qaado reer hebel? Reerahee ayay tahay in la siiyo? Qaacido noocee ah ayay tahay in la raaco, haddiiba ay midi jirto: ma “faraha” reerka ayaa lagu dooranayaa mise magac iyo hayb guud?

Haddiiba aad isku rartay oo aad tidhi “sagaal baa isku reer ah,” iyaba waa su’aal eh, waana muwaadin kula mid ahe, ma qiimaysay wax-qabadkiisa? Ummad dhan oo Somalilander leh, oo gaal leh, oo Islaam leh ayaa adeeg u soo doonatee, ma “reerkooda” ayuu uga eexdaa ummadda kale? Miyaad caddayn u haysaa? Dad kale duwan ayuu la shaqeeyaa, oo leh shaqaale dawladeed iyo dadweyne kaleba e, miyaad aragtay dad si rasmi ah uga cabannaya? Ma dhegaysatay cabashadooda oo macne ma kuu samaysay? Miyay ku tacaddiyaan shaqaalaha ay la shaqeeyaan? Sidee ayay tahay wada-shaqaynta ka dhexaysa iyaga iyo Wasiirradu? Dhan kale ka eeg, oo xilka saaran sidee ayay u adeegsadaan?

Waagii Ingiriisku innagu wacad furay (1954kii) ee boqortooyadii Xabashida uu ku wareejiyey 1/3 dhulkii Somaliland ee dadka Reer Somaliland-na ay ka dhiidhiyeen, waxa la diray afar nin oo kala ahaa Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Dubbe Cali-yare iyo Micheal Mariano. Dubbe iyo Micheal waxa ay ahaayeen laba nin oo Habar-Jeclo ah (Muuse Abokor, Uduruxmiin). Sida Maxamed Xaashi tilmaamay, may jirin cid tidhi “looma dhamma” ama “saamiga ha lagu noqdo”. Waxa loo arkayey niman hawsha loo diray ka soo bixi kara.

Waxa na magacaabay Madaxweyne Magaca Ilaahay ugu dhaartay ummadda reer Somaliland in uu caddaalad iyo sinnaan ugu shaqaynayo inta uu xilka hayo. Ma qabno in reerka Ilaahay naga dhaliyey uu u sed buriyey. Waxa uu noo xushay in aanu u shaqayno ummadda dooratay ee uu u dhaartay. Waxa aanu hubnaa in haddii aanu ka soo bixi weyno shaqada Qaranku naga sugayo aanu nagu deydeyn cidda aanu nahay. Ha ku mashquulin cidda aan ahay e, usoo bandhig ummadda iyo Madaxweynahaba waxa aan hagaajiyey ama bi’iyey si isaga iyo dadkuba kuula arkaan. Dhab ka hadal!

 

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here