Guushu waa garashada iyo garowshiiyaha / Sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka//Dr. Cabdiqani Beder

0
182

Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurracan ee marka horeba lagu eegayo shilinka Somaaliland laftiisa.

Dad badan oo aqoon dhaqaale leh, ayaa raadgur ku sameeyey sababaha qiima dhaca lacagta keena, isla markaana baadhay qaababka looga gudbo ee cilmiga ah ee la soo tijaabiyey.

Waxa kale oo ay isku dhibeen in ay ogaadaan lacagaha ili’ma’aragtayga ah (Emoney) iyo saameynta ay qiima dhaca ama sicirbararka ku leedahay.

Gefka ugu weyn ee ay aqoonyahankaasi gelayaan, go’aamada taladooda lagu qaatayna u shaqeyn la’yahay waxa weeye, kala tagganaanta aqoonta ay xambaarsan yihiin iyo meesha ay ku dabbaqayaan!

Sidani waxa ay dhacdaa marka mabaadi’da aqooneed aad isku daydo in aad sideeda u dhaqangeliso, adiga oo aan si dhab ah u diraasaynin is lahaanshaha mabaadi’daas iyo meesha aad ku dabbaqayso.

Ogow durayga deegaanada Soomaalida ku dhaca ee ay ku ducaystaan, waa xanuun dilaa ah oo qaaxada ka xun marka aad Yurub joogto !

Runta haddaad doonayso, waa intan “SHILINKA SOOMAALILAND HA ULA DHAQMIN SIDA LACAGAHA ADDUUNKA” !!

Taa waxa aan ula jeedaa qiimaha koowaad ee lacagi leedahay ama lacagnimadeeda lagu aqoonsadaa waa in ay tahay mid lagu qiima goosto (Measure of Value), gundhigna u noqotaa lacagta dalkaas, lacagaha kale ee soo raacaana u noqdaan kuwo aan asal u ahayn qiima goosadka dalka ee secondary ay noqdaan, ama waa in sarrif ahaan uun loogu baahdo.

Shilinka Soomaaliland waa KOR SOCOD, lacagta rasmi ahaan lagu qiima goostaana waa DOOLLARKA MAREYKANKA.

Isdiidsiintu xal maaha.

Sicirbararka alaabooyinka iyo adeegyadu waa mid la xidhiidha qiimaha doollarka, shilinkuna waxa uu dabasocod u yahay doollarka, mana laha saameyn madax bannaan.

Adeegsi yarida shilinka iyo badsashadiisu wax lug ah kuma laha sicirbararka, dhibta bulshada haysataana ma aha adeegsiga shilinka ee waa qiima dhaciisa iyo sarrifbararkiisa.

Dadka yaan la caydhaynin oo la iska horkeenin ee si sidan ka duwan oo daacad ah dantooda ha looga fekero, halloo hagar baxo oo yaan loo habar bixin.

Waa iga talo ee ila gaadhsiiya cidday taladu ka go’ayso.

Dr-Abdulqani Hussein Beder

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here