Gudidda Dib-U-Habaynta Ganacsiga Heer Qaran Oo Shirkoodii U Horeeyay Yeeshay

0

Gudidda dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, ayaa maanta kulankoodii u horeeyay yeeshay kaasi oo si rasmi ah ugu furmay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagaga hadli doonaa sidii loo fududayn lahaa hirgelinta Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah isla markaana wixii dhibaato ku ah ganacsiga ee dalka ka jira looga qodax-qaadi lahaa.

Gudidan dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, oo ay xubno ka yihiin wsiirro ayaa waxaa furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeenta, Wasiirka Waxbarshada , Wasiirudawlaha Maaliyadda, Wasiirku -xigeenka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha lagaga wada hadlayo iyo sida loogu baahan yahay in shirka ay ka soo baxaan qodobo dhiiri galinaya in dalka Somaliland uu soo jiito Maal gashadeyaal caalami ah isla markaana ay ugu fududaan lahayd ganacsatada reer Somaliland in ay dalka maalgashadaan.

Waxaanu yidhi “Gudidan waxaa loo magacaabay inay fududeeyaan oo ay sahlaan, oo ay u sameeyaan nidaam ku fiican, oo la maalgashan karro, oo ganacsi laga furan karro, oo dadka soo jiidata in la sameeyo oo wax alla wixii caqabado ah la yareeyo, ama la baabiiyo. Markaa gudidan waa markii u horaysay ee ay kulanto, waaxaan looga jeedaa mar hadii ganacsiga la fududeeyo oo xaaladiii ganacsiga hore loo mariyo waxa imanaya shaqo abuur oo ganacsatada maadaama dhaqaalihii 93% aya gacanta ku hayaan.

Shaqaalaha aynu u baahanahay 93% waa inay shaqaaleeyaan ganacsatadu, markaa si taasi inoogu suurto gasho dhibaatooyinkii haystay ganacsiga waa inanu yareena oo kala mid dhignaa aduunka horumaray, imika riwanda oo kale ayeynu isku dhawnahay markaa riwanda meel adag bay ka soo bilawday manta meel wanaagasan bay maraysaa.

Markaa inaynu sidaas oo kale oo ay gudidani ka shaqayso oo ay sidii loo horumarin lahaa waxna looga badili lahaa ee daruuftiisa loo hagaajin lahaa ee caqabadaha looga qaadi lahaa ganacsiga ayuu ahaa ujeedada shirkan, markaa waana shirkii u horeeyey waana bilawnay waanu soconayaa sidaasaana wixii shuruuca ee uu u baahan yahay inaanu sameeno”.

Waa markii ugu horraysay ee gudigani ay shir isugu yimaadaan waxaana laga filayaa in ay soo saaraan qodobo maal gashadayaasha caalamiga ah u fududaynaya in ay ku soo dhiiradaan maal gashiga Somaliland isla markaana dalka ka hir galisa shaqo abuur iyo in dad badani ay shaqo ka helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here