Guddoomiyihii Garabka Haweenka Ee Xisbiga Kulmiye Oo Caawa Is-casishay

0
471

Hargeysa (Sagalnews) –  Guddoomiyihii Garabka Haweenka Ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Illeeye ayaa caawa Shaacisay in ay iska casishay Xilkii ay ka haysay Xisbigaasi.

waxa ay sheegtay in xilkaasi isaga casashay si ay uga nasato siyaasadda oo ay ku soo jirtay muddo shan iyo toban sanadood ah.

“Xilkan waxa aan hayay muddo 15 sano ah, laba madaxweyne oo xisbiga Kulmiye ka soo baxay ayaan wax ka soo saaray, intaas in ka badana aad bay u adag tahay oo qofku wuu weynaanayaa, in uu nasto ayuu u baahan yahay, in uu hawlihiisa kale qabsado ayuu u baahan yahay, dalkuna maanta waa nabad” ayay tidhi Marwo Canab Cumar Ileeye oo u waramaysay Eryal.

“Waxa aanu ku xisaabtamaynay dalka Barbarkaaga qabo oo wixii xanaf lehba ka ilaali, qofkii dhib wadana waxa aan ku isku dayi jiray in aan dhibta uu wado ka baabiiyo oo aan ku idhaahdo, sidaas maaha ee waa sidaas.

markaa waxa aan filayaa in maanta aynu adkaanay, aniguna waxa aan doonayaa in aan maanta nasto, waayo wakhtigii ololaha inta aan gurigayga aroortii ka tago ayaan wakhtiyada qaarkood habeenkii imanayay, markaa waa hawl aad u adag, hawl aad u adagna maaha in aad waligaaba ku jirto”ayay tidhi Marwo Canab Cumar Ileeye.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here