Guddoomiye Ku Xigeenka Waxbarashada Bariga Maroodi Jeex Oo Kormeeray Dugsiga Macalin Daa’uud

0

“Shaqadayada Ayay Tahay Inaanu Kormeer Joogto Ah Oo Xogogaal U Noqosho Ah Aanu Markasta Ku Soo Samayno Guud Ahaan Dugsiyadda Gobolkayga M/jeex Bari, Si Aanu Ugu Kuurgalno Habka Wax-dhigista Iyo Wax-dhigashada Ee Ardayga Iyo Macallinka, Waayo Muhiimada Shaqadayaduba Waa U Shaqaynta Ubadka Yar Yar Ee Goobaha Waxbarashadda Jooga,Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoor

Guddoomiye-kuxigeen Ahaan Waxaan Toddobaadkasta Sameeyaa Kormeer Iyo Dabagal Aan Ku Sameeyo Dhammaan Dugsiyadda Gobolkayga Hoos-yimaada, Saaka Waxaan Kormeerkaygii Toddobaadlaha Ahaa Ku Soo Maray Dugsiga Hoose Dhexe Ee Macallin Daa’uud,No photo description available.

Dugsiga Hoose Dhexe Ee Macallin Daa’uud Waxa Maamule Ka Ah Abdrisak Ahmed Omer Oo Ah Nin Dhalinyaro Ah Oo Ilaahay Karti Iyo Aqoon U Siiyay Habka Maamulka Iyo Maaraynta, Waa Nin Garanaaya Waajibaadka Shaqo Ee Uu Dugsiga U Joogo, Dhammaan Maamulahaasi Waxaad Odhan Kartaa Waxa Uu Ka Soo Baxay Shaqadii Qaranku U Igmaday, Waxaanan Leeyahay Maamule Hambalyo Halkaa Ka Wad Hannaanka Maamulka Iyo Maaraynta Wanaagsan Ee Aad Ku Maamulayso Dugsiga,Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoor

Shaqadu Waa Isla Xisaabtan Iyo Wax Iswaydiin Si Ay Inoogu Hagaagto Shaqada Aynu Gacanta Ku Haynaa, Aad Baad U Farxaysaa Markaad Aragto Ama Aad Booqato Meel Ama Dugsi Hannaankiisa Maamul Iyo Hannaankiisa Waxbarashaddaba Uu Isku Duba-dhacsan Yahay, Waxa Kale Oo Farxad Ah Markaad Subax Walba Aad La Sheekaysato Ubaxa Yar-yar Ee Wax Baranaaya Iyagoo Faraxsan Oo Ay Yididiilo Badani Ka Muuqato, Garan-maysit Goor Wakhtigiiba Ku Dhaafay,Image may contain: 1 person, sitting, standing and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorNo photo description available.Image may contain: 1 person, standingNo photo description available.Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Ilaa Immika Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Oo Aan Arkay Inay Hirgashay Siyaasaddii Wasaradda Waxbarashada Somaliland Ee Ay Doonaysay Inay Sanad-dugsiyeedkan Ku Hogaamiso Dhammaan Dugsiyadda Kale Duwan Ee Dalka,

WABILAAHI TAWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here