Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Dilalka Soo Noqnoqday Dhaawacayso Qodobo Somaliland Dunidu Ku Majeeran Jirtay

0

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna guddoomiyaha wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dilalka soo batay dhaawacayso qodobo Somaliland beesha caalamku ku majeeran jirtay. Waxa uu walaac ka muujiyay marxuumkii jeelka ku xabisnaa ee xabad boolisku riday ku geeriyooday.

“Horta waxaa jiray dhawr arrimood ee dunidu Somaliland ugu soo joogsan jirtay, waxay kala ahaayeen; mid waa nabad galyada,midna waa dimuqraadiyadda,midna waa xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqal Iisaanka. Bar yahan dambe runtii arrimo laga murugoodo ayaa jiray oo ay ka mid tahay in ciidanka saraakiisha iyo ku xigeennadooda dilal badani ka dhex dhaceen,” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in baadhis xeel dheer lagu sameeyo dilalka soo noqnoqday

“Arrintaasi waxay u baahan tahay in si xaqiiqo ah oo dhab ah loo raadiyo, oo la baadho sababta kalliftay, way soo noqnoqotaye. Arrintaasi kuma koobna ciidanka oo kaliya ee shacabka ayay gaadhay oo waxaa ugu naxdin badnaa qof maxbuus ah oo xidhan in lagu toogto jeelka dhexdiisa haddii uu baxsanayo wax bay ahaan lahayd bee, taasina heerka masuuliyaddu gaadhsiisan tahay ayay ku tusaysaa,” ayuu yidhi Mr Cirro.

Guddoomiyaha ayaa xukumadda ugu baaqay inay si qoto dheer u baadho sababaha dilalka keenaya, islamarkaana joojiso gefefka shacabka laga galayo, haddii kalena ay meesha ka baxayso ammaanka iyo xasilloonida Somaliland.

Guddoomiye Cirro, ayaa geesta kale Cali Khaliif oo dhawaan yimid Buuhoodle wuxuu ugu baaqay inuu faro galinta ka daayo bulshadaasi reer Somaliland, waxaanu bulshada ugu baaqay inay ammaankooda ilaashadaan, isagoo xukumaddana wixii bulshadaasi xaq u leedahay in loo yeelo u soo jeediyay.

“Reer Buuhoodle waa dadka mid ah shacabka Somaliland, Buuhoodlena waxay ka mid tahay Somaliland, waa shacab Illaahay is baday oo is dhalay, waxaanu u soo jeedinaynaa cida kale ee faro galinta ku haysa ee meelaha kale ka timid inay faraha kala baxdo. Waxaan shacbiga u soo jeedinayaa in nabada laga shaqeeyo, in xasiloonida laga shaqeeyo oo nabaddu shacabka ayay u dan tahay, maamul kale oo aan Somaliland ahayn oo ka jiri karaana ma jiro, markaa waxaanu doonaynaa wixii shacbigaasi tirsanayo in la eego oo laga fikiro oo looga  garaabo wixii ay xaq u leeyihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here