Guddoomiyaha Maxakamada Sare ee Soomaaliya Oo Istanbul Kaga Qayb Galay Shir Caalami ah

0

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxakamada sare ee Wadamada Islaamka.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa qoraal kooban oo uu guddoomiye Baashe Soo dhigay Bogga Uu ku leeyahay Facebookga waxa uu ku yidhi “Waxaa maanta magaalada Istanbul noogu furmay shirkii ugu horeeyey ee Maxkamaddaha Sare iyo Maxkamaddaha Dastuurka ee dalalka xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo 2 maalmood socon doona.

Shirka oo looga hadlayo kaalinta garsoorka ee dhowrida sareynta sharciga iyo xuquuqda aadamahaa waxa si rasmi ah u furay Madaxwaynaha Dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan.” ayuu yidhi

Image may contain: 11 people, people smiling, suitImage may contain: 11 people, people standing and suitImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 21 people, indoorImage may contain: 14 people, people smilingImage may contain: 15 people, people smiling, indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 8 people, indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here