Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Oo La Kulmay Xubnaha Guddiga Hay’addaasi

0

Gudomiyaha Hay’adda shaqalaha Dawladda Jamhuuriyada Somaliland Farxaan Aadan Haybe Oo Maanta kulankii U Horeeyay la qatay xubnaha Guddida Hay’adda shaqaalaha. Gudoomiye waxuu warbixin ka dhagaystay xubnaha Guddida Shaqaalaha Dawlada oo uga xog waramay marxaladii kala duwanaa ee Hayada shaqaalaha Dawladu soo martay iyada sidoo kale halka ay manta marayso.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and beardSidoo kale, Gudoomiye Farxaan waxa uu kulan dheer la qaatay Agaasimka, Maamulka iyo xubnaha hormoodka Machadka Dawlada ee CSI, waxaanay maamulka maxadku oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Machadka Mudane Guuleed Saleebaan, Agaasime Xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee ku weheliyay kulanka ay warbixin dheer ka siiyeen shaqada Machadka iyo qorshayaasha bixinta waxbarasho ee u taalla si loo tayeeyo shaqaalaha dawlada.Image may contain: 2 people, people sitting

Gudoomiyaha ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay Guddida iyo maamulka Machadkaba kaalintooda masuuliyadeed kuna booriyay in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo tayayn lahaa nidaamka daryeel, taageero iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawlada looguna shaqayn lahaa si cadaalad ah oo ka madax banaan wax kasta oo ka hor imanaya nidaamka siyaasadeed ee Hayada Shaqaalahu u taagan tahay.Image may contain: 2 people

Agaasimaha Guud Ee Macadka shaqalaha oo Gabagabadii Gudomiyaha Mid mid usoo Mariyay xafiisyada iyo fasallada uu ka kooban yahay machadka shaqaaluhu isagoo u mahad mahad celiyey Gudomiyuhu masuuliyiinta Machadka Shaqalaha Dawladda Sida Wanagsan Ee Ay Ugu soo dhaweeyen xarunta Machadka shaqaalaha Dawladda una balan qaaday in uu dadaal badan gelin doono ahmiyad dheeraad ahna siin doono Machadka si da’yarta wax ka barata gaar haan shaqaalaha dawladu ay u noqdaan qaar aqoon sare leh oo suurtgal dhigta in masuuliyada xileed iyo adeega ay dadwaynaha u qabtaan noqoto mid qayb wayn ka qaadata tayaynta nolosha iyo horumarka qarankani higsanayo.Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and tableImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 4 people, people sitting, screen and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here