Guddiga joogtada ah ee golaha wakiiladda oo soo saaray Warbixin Ku saabsan Baanka Dhexe, Wasaaraddaha Maaliyadda, Madaxtooyada iyo Wakaaladda Biyaha

0

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiiladda ayaa soo saaray warbixin ku saabsan hawlihii ay qabteen muddadii goluhu xidhnaa, isla markaana waxa warbixintan ku jira qodobo xaasaasiya oo ay ka diyaariyeen hay,adaha dawladda ee ay la kulmeen muddadaa.

Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan;

“HORDHAC:-

Sida uu waajibinayo Dastuurka Qaranku iyo Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiiladda waxay Guddida Joogtada iyo Anshaxu hawlaha Golaha sii wadaan muddada uu Goluhu fasaxa ku maqan yahay.
Guddida Joogtada iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee xil-gudashada hawlaha qaran, iyadoo ka duulaysa muhiimada ay leeyihiin hawlaha qaran ee ay u hayaan wasaaradaha iyo hay’adaha madax-banaani ee dawlada, waxay Guddidu kulano xog-waraysi la yeelatay masuuliyiinta wasaaradaha iyo Hay’addaha Qaranaka oo aya ka mid yihiin:-

  1. Guddoomiyaha Baanka Dhexe
  2. Taliyaha Laanta Socdaalka
  3. Wasiirka Wasaarada Maaliyada
  4. Maareeyaha Wakaalada Biyaha

Waxa kulamadan xog-waraysiga loo yeedhay oo ka maqnaa:-
Maayirka Caasimada Hargaysa

  • Taliyaha Ciidanka Qaranka
    Mudanayaal Guddida joogtadu waxay idin soo gudbinaysaa warbixinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madax-banaan ee Dawlada ee ay Guddidu la kulantay.
  1. GUDOOMIYAHABAANKA DHEXE EE JSL

Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladu waxay kulan xog-waraysi ah la yeesheen Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Jsl Mudane Cabdilahi Xaaji Jamac. taariikhdu markay ahayd 17/June/2015  wuxuuna ka hor jeediyay warbixin, guddiduna su’aalo ayay waydiiyeen.
Waxaanu Warbixintiisa Ku Bilaabay Gudoomiyuhu:-
In Baanka si wanaagsan u shaqeeyo una baahan yahay in dib-u-eegis xeerka baanku oo aanu dhamaystirnayn lagu sameeyo, dawladuna dhamaystirin miisaniyadana shaqo kuma lihin commission-ahaan ayaanu ku shaqaynaa central bank ahaan. Waxa jirta in baananku transaction-ka ay gudbinayaan khidmad ka qataan, laakiin waxaanu anagu ka qadanaa dakhliga dawlada. Sidaa darteed, sharcigu wuxuu u baahan yahay dib u-eegis, wuxuuna leeyahay meelo badan oo galdaloolooyin ah.
Wuxuu kale oo uu sheegay in BoD la sameeyey sided (8) xubnood ah, loona qaybiyey guddiyo, guddidani maaha shareholders oo baanka share kuma laha oo profit-kiisa wax kama qataan. Waa guddidii la yidhi ilaaliya, policy-giisana dajiya, qolada gudoonkana saddexdii bilood mar ayey is arkaan.
Waxa kale oo uu sheegay, inuu xaalad aad u adag dalka oo dhan ka taagnayd markii uu xilka la wareegay iyo intii sanadkanba lagu jiray, taasi oo ahayd sixirbarar xoogan oo xal u baahan,  Islamarkaas, waxaanu u yeedhanay qoladii Zaadka iyo E-dahabka oo aanu ku nidhi systemkan aad keenteen ee dollarka ah laba arimood ayaad yeelaysaan inaad xal keentaan iyo in aanu talaabo qaado si aanu sixirbararkan xal ugu helno, waxayna noo sheegeen inay xal keenayaan muddana la sugo, Waxay laba wiig tijaabo in shillinka lagu shubto 1dii June ayay systemkaa sii daayeen haddana waxay maraysaa Degmooyinkii iyo tuulooyinkii. Sidoo kale waxay eegeen siday cash-ka u manage-garayn lahaayeen ilayn Baan maahine waxay gobolada ka furteen xisaab, wayna xisaabiyeen. Xisaabtooduna way fiicantahay waanan la soconaa meesha ay marinayaan systemkan cusub ee cash-ka qabanaya ayuu yidhi Gudoomiyihu. Wuxuu intaas ku daray in E-dahabkun sidaas sileeg yahay oo waxay yidhaahdeen  E-dahab-kaayagu limit ma laha oo any amount waa lagu shubi karaa. Bishan aakhirkeeda ayaan qolo walba odhanaynaa waxaad balance haysaan iyo shilinkii siduu u shaqaynaayey bal noo warama iyo dollarkii siduu u shaqaynayo bal isagana noo warama markaa labadiiba waxa weeyi dual currency isbarbar soconaya waayo system 6-7 sano.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay wada hadleen Xawaaladaha una sheegeen in 30% cash-gareeyaan oo ay la socodsiiyaan, wuxuu kale oo uu sheegay in xawaaladuhu leeyihiin guddi ka kooban 15 xubnood arrintii ay u soo bandhigeena si fiican ula qaateen. Wuxuu intaas ku daray inay u yeedheen Saraiflayaasha oo ay diwaan galiyeen 86 dhexda fadhiista, 45 ayaa liisanka la

siiyay. Waxaana loo sheegay in ay ku shaqayn doonaan rate-ka baanku dhigo ama gooyo, markaa anagu rate-kii waan soo saarnaa laakiin wali manan baahin waxaan eegaynaa bal suuqa hada wuu kacsan yahay inuu hoos u dhaco.
Waxa kale oo loo sheegay oo shuruud ah in lacagta ay dadka siinayaan 30% baanka u soo doonaynayaan si lacag la hubo dadka loogu gudbiyo oo aan leex-leexad lahayn.
wuxuu Gudoomiyuhu sheegay in ay geeyeen xawaaladaha oo dhan 24 shaqaalaha Baanka ah oo jooga oo supervisor garaynaya siday wax u socdaan feedback-gooda galabtiina in ay marnaan isaga iyo agaasimaha guud oo ay soo kormeeraan. Dhankooda waxay xawaaladuhu sheegeen mobile-ka soo dhacaya oo electronic ah direct from London to New York mobile-kaga kugu soo dhacaysa hadii anaguna 30 ku bixino kaana aan 30 lagu xukumin karin way adag tahay
Wuxuu intaas raaciyay inay ka wada hadleen xawaladaha marna Zaad-kaan lacagta ku soo dhacaysa marna xawaaladan soo dhacaysa ee mobile-kaaga kugu soo dhacaysa.Local haday ahaan lahayeen oo ay qof wax u dirayaan macquul bay ahayn lahayd, laakiin lacagtan dibada ka soo dhacaysa waa in horta waajibkii ku fulaa, markaa waxay u yeedheen qoladii Zaadka waxayna u sheegeen inay xal keenaan sharcigan siday ula jaan qaadayaan ilayn xawaalidihii kaleba way fulinayaane lacagtan hawada maraysana siday u fuli lahayd. Waxay u sheegeen in dhul badan server-ku yaalo qolana lacagta qaado heshiisna lagu wada jiro dibna isugu noqon doonan markalena la balamay. Ugu dambayntii wuxuu Gudoomiyuhu raaciyay inay eegi doonaan  waxay la yimaadaan qoladaa Zaadku lagana wada tashan doono sidii laga yeeli lahaa hadayna keenin xalka xawaaladuhu ku shaqaynayaan mid la mida talaabo laga qaadi doono. Wuxuu intaas raaciyay inay u yeedheen ganacsatada xoolaha lana balansan yihiin, sharciguna si guud u soo baxay oo dad badana saamaynayo. Halkaasna ka sii wadayaan oo aanay ka hadhaynin.
Ugu dambayntii markii uu dhameeyay warbixintii gudoomiyuhu waxay mudanayaashu waydiiyeen su’aalo ay ugu mihiimsanaayeen

  1. Mar la waydiiyay waxaa jirtay lacag airport lagu qaadi jiray oo bangigu qaadan jiray oo dadka lagu qasbi jiray oo wasaarada maaliyadu u sarifto, gudoomiye bal nooga waran iyadna oo xog naga sii?  Gudoomiyuhu wuxuu ku jawaabay in Laantii yarayd ee airport-ka ugu jirtay ayna shaqayn 4 sanadood, cid lacag loo sarifaana ma jirto,

cid la khasbaana ma jirto 60 baa la soo rogay oo la yidhi waa la soo rogay 60-kaasa lagu qadaa airport-ka kii soo daga, markuu sii baxayo la sugi maayee 30 soo degida iyo 30 markuu baxayo baa mar qudha laga qadaa. 60-ka waxa la yidhi bangigu 10 buu leeyahay waa warka la sheeagay meelay ku qoran tahay iyo meel lagu kala saxeexday midna ma jirto, 10-kii wasaarada maaliyada waa la isku xiiqoo laga soo saari waa, laantii meeshii way ka furan tahay laanta dadkan lacagta la qaadayo taasi way xidhan tahay oo 4 sano iyo jarjar may shaqayn waa la joojiyeym hadii xitaa tobanka naloo daayo suuqa waan maamuli lahayn ma hayno oo maaliyada haysa.

  1. Waxa kale oo la waydiiyay in E-dahab iyo Zaadka lacag ay isticmaalaan number ah tusaale ahaan, Kenya oo kale maalintii cadadkay isticmalayaan waa la ogyahay baankay ka talaa cadad lacageed ee ay isticmalaan maad ogtihiin baan ahaan E-dahabka iyo Zaadku lacagta ay isticmalaan ee dollar-ka?

Wuxuu ku jawaabay May ma ogin, laakiin waan hiigsanaynaa inaan ogaano

  1. Waxa kale oo la waydiiyay sidii lagu ansixinay xeerka central bank isagaa la siiyey in uu dhamaan bixiyo wixii rusqad maaliyadeed E-dahab, Zaad iyo xawaaladahan oo dhani weeyi shaqadii central bank rusqado aad idinku siiseen E-dahab iyo Zaadka iyo wixii la mida miyey jiraan oo hadii la dhaco meel loo raaco iyo sharci loo raaco iyo deposit ka yaal midna miyuu jiraa oo aad idinku bixiseen?

Liisan ma haystaan labadaasi nidaam, waa laba system oo daily system dadka lacag bay ka qadaan lacagta ay ka qadaana anagu ma ogin oo bishan aakhirkeeda ayaan la balansanahay oo waan la hadli doonaa oo waan waraysan doonaa sharciga waan marin doonaa oo 30% ayaan ka qaadi doonaa liisanka qolaa na soo waydiisay oo soo application garaysay telesom horta waxay leeyihiin shirkad la yidhaahdo E-kaafi, e-kaafi sharcigeedii ayey noo keeneen mar horaa la siiyey liisan ah Telesom Zaad, laakiin wax documents oo la keenay ma jirin, waxaan waydiiyey anigu document-kii E-kaafi way ii keeneen waan hayaa, wali E-dahab may soo doonan, markaa E-kaafi oo aabo u ahaa Zaadka oo dhalay oo ka farcamay kaana wuxuu sheegay in aan lagu siin karin liisanka.
2. TALIYAHA LAANTA SOCDAALKA EE JSL
Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladu waxay kale oo ay kulan xog-waraysi ah la yeesheenTaliyaha Laanta Socdaalka ee Jsl. taariikhdu markay ahayd 07/July/2015 wuxuu warbixin dheer ka soo hor jeediyay xubnaha Guddida.

Waxaanu Warbixintiisa Ku Bilaabay Taliyuhu:-
In Ciidanka socdaalku yahay ciidan bileys ah,  lana aasaasay 1992,  kadib markii soomaliland madaxbanaanideeda la soo noqotey markaas ay maamul ahaan hoos tagi jireen ciidanka booliska, sharci  ahaan ciidanka socdaalka waxa lagu aasasay xeer lam 72/95,sharcigaas oo uu ansixiyey barlamaanka soomaliland. Waaxda socdaalku waxay maamul ahaan hoos tagtaa wakhtigan wasaarada arrimaha gudaha oo ay wakiil uga tahay bixinta baasaboorka somaaliland, bixinta fiisaha iyo shaqooyin kale, iyo iyadoo socdaalka laga soo kala wareejiyey hay’addo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sirdoonka iyo booliska, markii laga maarmi waayey ciidanka socdaalka in la madaxbanaaneyo waxa la garty in ay gaar ahaan isku maamusho iyadoo aanu hoostagayn   ciidan booliska iyo sirdoonku toona, maamul ahaan la hoos geeyo wasiirka wasaaraada arrimaha gudaha JSL. (Line ministry).
Shaqada Socdaalka 
Socdaalka soomaliland (immigrantion) waa muraayad la akhri san karo xalada iyo nidaamka uu wadanku leeyahay, socdaalku wuxuu ka mid yahay holbowlayaasha aa weyn ee qaranku leeyahay, waxaanu wax ka qabataa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin nabad galyada, caafimadka iyo dhaqaalaha sidoo kale goobaha socotadu kasoo galaan kana baxaan ee dalka oo ah bada, cirka, dhulka, waxanu ka howlgala xuduudka dhulka ee somaaliland la leedahay wadamada jaarka sida Jabuuti, ethiopia iyo somalia oo cabirkeedu dhan yahay 1200km.
Nabadgalyada:-
Socdaalku wuxuu ka qeyb qaata nabadgalyada wadanka, waxuu ka hor tagaa cid kasta oo ajanabi ah oo dalka dibadiisa ka timaada oo isku dayda inay carqaladeeyan ama loo soo adeegsado khal-khal galinta nabadgalyada, sidoo kale waxay ka hortagtaa cidkasta oo dalka gudiihiisa ka abaabulaya arrimo nabadgalyo daro iyo cidkasta oo dalka kusoo gasha sifo aan sharci ahayn, waana ciidan u taagan heeganka amniga nabadgalyada.
Ilaalinta caafimaadka bulshada
Ciidanka socdaalku waxay ka hortagaan cidkasta oo qabta cudurada faafa iyo kuwa halista ah ee la isku gudbiyo,iyaga oo la kaashanaya xubinta caafimadka ee joogta barta ay ka hawl galayaan ciidanka socdaalku, sida bada cirka iyo dhulka, kana celiya dadka cidii dibada ka soo galaysa ee sida cudurada halista ah.

La Dagaalanka Tahriibta 
Had iyo jeer waxaanu dagaal joogto ah kula jirnaa tahriibta ama socotada sharci darada ah ee iskaga gudbaysa wadamada kala duwan, waxa jirta dhalinyarada reer soomaliland iy qaar ka yimaada somalia isku dayaan iney ka tahriiban Dhulka somaliland baxaan dhinaca ethiopia si ay ugu sii gudbaan liibiya una sii tahriiban dhinaca xeebaha italy, hadaba si aanu wax uga qabano, waxaanu samaynay in ciidanka socdaalku hawl galaan, kaantaroolka magaalooyinka ay ka soo galaan tahriibayaashu ama ka baxaan, kuwaas oo ah kaantaroolka wajaale, kaantaroolka galbeed ee hargeisa kantaroolka gabiley , kaantaroolka goroyocawl halkaas oo aanu ku amarney iney baadhan gawaadhida dalka soo galaysa ama ka baxaysa isla markaana ay kasoo dajin karaan cidii ay uga shakiyaan arrimaha tahriibta oo u badan dhalinyarada  reer soomaliland.
Qaxootiga ku sugan Somaliland 
Somaliland waxa ku sugan qaxooti kuwaas oo isugu jira ethiopa yemen iyo syrian oo ka diiwan gashan haay’adda caalamiga ah qaxootiga (UNHCR) iyo wasaarada dibu-dajinta Soomaliland kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 5,000 qof oo u kala baxa magan-gelyo Doon iyo qaxooti la aqoonsadey.Qaxootiga Yemen ee cusub 
Qaxootiga yemen oo iskugu jira yamani somali somaliland iyo wadamo kale kuwaas oo kasoo cararey colaadaha ka taagen Yemen Una soo cararey soomaliland guud ahaan waxay tiradoodu Gaadheysaa 7,000 qof waxaanan rajaynaya in dowladu ka soo saarto siyaasad cad sidii loola dhaqmi lahaa maadaama oo aaney jirin xerooyin qaxooti.
Ugu dambayntii markii uu dhameeyay warbixintii taliyuhu waxay mudanayaashu waydiiyeen su’aalo ay ugu mihiimsanaayeen

  1. Waxa taliyaha la waydiiyay Lacagtan faraha badan ee passport-ka laga qaado 154 dollar ma soo martay golaha wakiilada oo sharci ma tahay?

Wuxuu ku jawaabay Haa, oo sidaasa la igu soo gudbiyey oo wasiirka maaliyadu ii keenay waxaana lagu qaada wasaarada maaliyada dhexdeeda General risiidh.

  1. Waxa kale oo la waydiiyayXeerarka aad ku shaqaysaan ma xeerarkii wakhtigii horaa mise wax kale oo cusub ayaa jira xeerarkaasi se ma idin ku yihiin caqabad idinka shaqadiina iyo hawshiina?
    Wuxuu yidhi horta immigration-kan wuxuu ku shaqeeya xeerka golaha wakiilada an sixiyey 1995 oo u baahan wax ka bedel fara badan oo ay ka mid yihiin qofka qof tahriibinaya maxaa lagu xukumayaa ama gaadhiga sida tahriibta ee la qabto maxaa lagu xukumayaa mahayno markaawaa nagu caqabad xeerku.
  2. WASIIRKA WASAARADA MAALIYADA EE JSL

Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladu waxay hadana kulan xog-waraysi ah la yeesheenWasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jsl. taariikhdu markay ahayd 22/06/2015, wuxuu warbixin ka soo hor jeediyay xubnaha Guddida.
Waxaanu Warbixintiisa Ku Bilaabay wasiirku:-
Wasiirku waxay sheegtay in guud ahaan wasaaradu wanaagsan tahay. Lacagaha ku baxa waxbarashada iyo caafimaadku toos loo bixiyo, dhismayaasha la hakiyey markaa waxa laga yaabaa in la sii daayo. Waxay intaas raacisay in wasaarad ahaan ay la dagaalamaan sixirbararka, qorshahooduna  yahay in dhamaan dalka oo dhan laga isticmaalo shilinka jamhuuriyada Somaliland. Sidoo kale wasaarad ahaan waxa qorshaha ugu jira xawaaladaha oo kale 30% wax alaale wixii lacag lagu soo shubay ee dibada, ama company ha ahaado ama qof lacag loo soo diray ha noqoto in 30% lagu siiyo shilin. Isla markaana qorshaha guud ahaan inuu noqdo in Somaliland shilling lagu bixiyo oo ayna lacagta dalkeenu qiimo dhicin. Waxa kale oo ay intaas ku dartay in ay dhiiri galiyaan  sidii loo soo ururin lahaa cashuuraha bariga.
Ugu dambayntii markii uu dhameeyay warbixintii wasiirku waxay mudanayaashu waydiiyeen su’aalo ay ugu mihiimsanaayeen

  1. Waxa la waydiiyay wasiirka maxaad rate ugu samayn waydeen lacagta oo la yidhaahdo gacanta hore waa intaa, gacanta danbena waa intaa lamana dhaafi karo si loogu xisaabtamo?

Waxay ku jawaabtay in

  1. Waxa kale oo wasiirka la waydiiayay Xaga cashuuraha gobolada bari marka laga hadlo dawladu mar ba in bay gadhaa oo way sii socotaa oo dhul badan oo aanay gaadhin baa jirta masuuliyada in cashuurta la ururiyo dawladay saaran tahay ee dadka ma saarna markaa ilaa xageed maraysaan?

Waxay ku jawaabtay in Team-koogu imika ka maqnayeen Ceerigaabo, laakiin Buuhoodle cashuurtii laga soo xareeyay, waxay intaas raacisay in Buuhoodle ku leeyihiin kastam lacag fiicana ka soo xarootay, Laas-canood lafteeda waa laga qadaa cashuurta iyo Ceerigaaboba. Waxa kale oo ay sheegtay in meeliba meeshay ka cashuur bixin badan tahay ka horumar badan tahay oo dhamaan adeegyada bulshadu ay ku xidhan yihiin cashuurta ay bixinayaan, horumarkuna ku xidhan yahay cashuurta ay bixinayaan.

  1. MAAREEYAHA WAKAALADA BIYAHA

Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladu waxay sidoo kale kulan xog-waraysi ah la yeesheenMaareeyaha Wakaalada Biyaha. taariikhdu markay ahayd  04/July/2015  wuxuu warbixin dheer ka soo hor jeediyay Guddida.
Waxaanu Warbixintiisa Ku Bilaabay Maareeyuhu:-
In Wakaalada Biyaha Hargaysa mandate-keedu yahay in biyo nadiif ah, jaban oo ku filan soona gaadhsiiso magaalada in kasta oo aan wali la gaadhin ujeedadaas. 1972 ayaa wajigii koowaad ee biyo balaadhinta hargaysa galintooda dawlada Chinnese-ku ku caawisay dawladii Somaliya ee wakhtigaa jirtay, waxay ka qoday Geed-deeble lix ceel oo biyo ah, dhuun weyn oo 12inch ah iyo  Barkad, Hargaysana Barkad ayay ka qoday, dadkii ayaa kordhay 1986kii intii inle’eg ayay ku kordhisay. Wakhtigaa Chinese-ku waxay ugu talo-galeen boqol iyo sideetan kun oo qof. Intii ka  dambaysay sanadkaas systemkii wax lagu kordhiyay ma jirto biyihii barigaas ayuunbaynu ilaa hadda haysanaa.
Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in markay taariikhdu ahayd 20/11/2010  isaga iyo wasiirka Macdanta biyuhu ka qayb galeen shir loo qaybtay Hargaysa iyo biyaheeda oo ka dhacayay  Nariabi.  Deeqbixiyayaashii halkaas isugu yimid ee ka socday EU-da waxay balanqaadeen in (15000,000) shan iyo tobon milyan oo yuuro ay ku galinayaan biyaha Hargaysa. Waxay u dhiibeen lacagtaas inay maamusho UN-HABITAT. Ugu dambayntii wuxuu sheegay Maareeyuhu in la sii daayay lacagtii shan iyo tobonka yuuro ahayd malabaadna ay ka codsadeen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) in mashruucii la kabo, waxayna ku kabeen (9500,000)sagaal milyan iyo badh oo dollar si mashruucii u socdo.
Waxa kale oo uu sheegay in mihiimada mashruucu yahay in 4 ceel oo cusub laga qodo HOREHAADLAY, hal (1) bee oo weyn oo 24 inch ah ,barkad weyn iyo kaam cusub laga sameeyo GEEDEEBLE dabadeed biyaha magalaada sidaas lagu soo gaadhsiiyo. Ceelashii iyo baraagihiiba la bilaabay labadii ceel ee ugu dambeeyayna wiigan  la soo gabagabaynayo, alaabtii oo dhana la keenay.
Maareeyuhu  wuxuu warbixintiisa ku daray in ay jirto in magaalada gudaheeda la samaynayo qaabkii biyaha loogu qaybin lahaa, in magaalada labada degmo ee dooxa ka talowsan laba beeb oo toos ah loo sameeyo barkad iyo taangina la dhigo. Sedexda degmee kale taangiyo ayaa la saarayaa, kaalmo badan oo ay masaakiintu ka cabto waa la samaynayaa, waxaana samaynaya Jarmalka lacag sideed iyo tobon kun oo dolar ayay ku galinayaan sanadkan soo socda bilowgeeda.
Maareeyuhu wuxuu ka waramay mashruucii Xumbo weyne ee xasaasiga ahaa oo ay sabab u tahay in dariiqii saxda ahaa laga leexiyay una muuqato in xalkiisu ilaa imika dheer yahay. Wuxuu sheegay in mashruucana ilaa dawladii hore socday qolo carab ahina wayday 10 ceel baanu qodaynaa bay yidhaahdeen wayna qodan dood faro badan ayaa ka dhalatay qaabka ay u qodeen. Markay dhameeyeen ayay yidhaahdeen wajigi laaba ayaanu bilaabaynayaa taas ayay noqotay inay waxbadan eegaan Master plan Hargeisa u qoran oo Xumbo Weyne iyo Jaleelaba sheegaya meelaha ceelasha laga qodayo inta biyaha ee laga soo saarayo, nooca beebabkaasi yihiin taas ayaanu isku fahmi waynay. Waxayna isla garteen inay yihiin guddi farsamo. Wuxuu intaas raaciyay in labada qodob siday u kala mihiimsan yihiin loo kala qaado ugu horayna la tijaabiyo biyuhu inta ay leegyihiin. wasaarada macdanta ayaa guddi u dirtay walina natiijo may soo saarin. Mushruucaasi ilaa hadda ma cada taladiisu sababtoo ah ilaa iyo hadda taladii oo dawlada gacanteeda kuma jirto, gacanta nin carraba ayaa ku haya. Gabagabadii wuxuu yidhi Mashruucaasi ilaa hadda ma muuqdo xalkiisu waana hawl inoo wada taala.

Ugu dambayntii markii uu dhameeyay warbixintii wasiirku waxay mudanayaashu waydiiyeen su’aalo ay ugu mihiimsanaayeen:-

  1. Waxa la waydiiyay in huteelada waa weyn ay samaysteen barkado waa weyn waxaana jira heshiis ka dhaxeeya shaqalaha iyo hudheeladu oo ay wada galeen hudheeladana biyaha loo xidhay maxaa arrintaas ka jira?

Wuxuu ku jawaabay hudheelo waaweyn oo Hargaysa ku yaala biyo ma iibsadaan oo way, kuwo kalena waanu ka jarnay xaqiiqadu waxay tahay in hudheeladu la biyo yihiin 500-400 oo guri. Ma jirto biyo kaligood la siiyo laakin xaafadaha ay ku yaalan ayay la qaybsadaan.

  1. Waxa kale oo la waydiiyay Mashruuca aad samaynaysaan ee beebabka waaweyn la galinayo ee Geedeeble wax awooda oo biyaha lagu gaadhsiyo xaga sare leeyihiin?

Wuxuu kaga jawaabay xaafadaha biriishka ka talowsan systemkii hore waanu ka bedelaynaa beeb toos ah ayaanu u galinaynaa laba taangi ayaanu u dhigaynaa meelaha ugu saraysa. Qorshaha dembena waxa noogu jira in laba barkadood laga qodo.

  1. Mar la waydiiayay lacagbaa la kordhiyaa awooda aad ku kordhisaan yaa idin siiyay Baarlamaanka ma soo marisaane? Waxa kale oo jirtay tax Sales-ku inuu ahaa 2% lagana dhigay 5% taasina ka waran?

Su’aashaas wuxuu kaga jawaabay tacriifada biyaha anagu waxba maan kordhin waa sidii aanu ugu imid, biyaha lagu qanacsanayo ayaanu ku kordhinay. Ta labaad anaga warqad ayay wasaarada maaliyadu ku kordhisay taas ee anagu shaqo kumaanu lahayn miisaaniyada ayayna ku jirtaa.

  1. Waxa la waydiiyay in mashruucyadaas soo socda loogu talo galay oo loo tababaray dad farsamo yaqaana oo ka shaqeeya?

Maareeyuhu wuxuu ku jawaabay shaqalaha tababarkooda waxa noo qorshaysan 16 qof in la raaciyo mashruucaas oo shaqada dhexdooda lagu tababaro.
LIISKA MUDANAYAASHA GUDDIDA JOOGTADA IYO ANSHAXA EE GOLAHA WAKIILADA JSL:-

Ibrahim Mahdi Buubaa
Ahmed Du’aale Bulaale
A/Rahman Mohamed Talyanle
Baar Saed Faarah
Mohamed Hussein H  Isse              

Saed Artan Osman Faarah
Mohamed Saalax Cige
Mohamoud Dhunkaal Guutaale
Abdi Mohamed Jama
Jama Hassan Aden
Mahdi Abdilahi Mohamed
Aden Mohumed Hore (Mataan)
Ali Sh. Ibrahim Araye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here