Guddiga Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shir Isugu Yimid

0
Shirkii caadiga ahaa ee Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE, ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta xisbiga ee caasimadda Hargeysa maanta 19/01/2021.
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor
Shirkan oo uu isugu yeedhay Guddomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), isla markaana uu Guddoomiyay Guddoomiye-ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxa lagu falanqeeyey hawlaha u diyaargarowga arrimaha doorashooyinka is-barkan ee Baarlamanka iyo Golayaasha Degaannada ee foodda innagu soo haya iyo sidii xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa, isla markaana uu u soo xuli lahaa murrashaxiinta ku habboon inay u tartamaan doorashada oo ay ka mid noqdaan Golayaasha Wakiillada iyo kuwa Degaammada dawladaha hoose ee dalka.Image may contain: 3 people, people sitting
Dhinaca kale, waxa uu shirku ka dooday hirgelinta qaadhaanka xisbiga, kaas oo ku cad Xeerka KULMIYE qodobkiisa dhaqaalaha, waxana shirku meel mariyey qadarka qaadhaan billaha ah ee ay bixin doonaan xubnaha xisbigu.Image may contain: 5 people, people sitting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here