Guddiga Doorashooyinka Oo Cayimay Goobo Gaar Ah iyo Maalmo Loo Kordhiyey Gobolada Maroodi-jeex Iyo AWDAL

0

Guddiga Dooraashooyinka Somaliland, ayaa toddoba maalmood oo dheeraad ah ku daray Kaadh-qaadashada Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer, kaddib markii ay soo gebo-gaboobeen saddex maalmood oo loogu talo-galay kaadh-qaybta saddexda Gobol.

Hawl-wadeennada Kaadh-qaybinta ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka sii qayb-gali doona goobo cayiman oo loogu talo-galay in hawsha kaadh-qaybintu ka sii socoto inta u dhaxaysa 04-ta bisha ilaa 10-ka bisha April.

Shaxda Hoose kaga bogo Goobaha loo cayimay ee hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doonto gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Gobolka Maroodijeex, waxa ay Hawsha Kaadh-qaybintu ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaalla Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

SHAXDA GOBOLKA MAROODIJEEX

Dhinaca Kale, Gobolka AWDAL waxa ay hawsha kaadh-bixinta diwaangelintu ka sii socon doontaa goobo Cayiman oo ku yaalla Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac.

HALKAN HOOSE SHAXDA GOBOLKA AWDAL DHIGA

 


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here