‘Guddaha Xeyndaabka Shirkadda SBI Coca-Cola, Waxaa Dhexyaala Sawir Weyn.’ Sakariye Cabdikariim

0
‘Guddaha Xeyndaabka Shirkadda SBI Coca-Cola, Waxaa Dhexyaala Sawir Weyn.’
17- March 18 – 2021
“Waxa aan jecel nahay in aan dalkeena wax ka dhigno, wax ka beerano inagoo mideysan Oo aynu ku faano ka wax ina taraya, waan idiin duceynayaa, waxaanan idiin rajeynayaa inaad nabad tagtaan, soona aragtaan waxa aan meesha ku heyno Insha Allah.” Weedhihii Maamule Mudane Axmed Cismaan Geelle
=> BurcoMay be an image of 15 people, including Hajji Ahmed A. Haykal and Xamda-Ayaan Yuusuf, people standing, people sitting and indoor
Goor sheegto waa 10:00 subaxnimo waxaanu ka koobannahay ku dhawaad 22 Xubnood Oo isugu jiray Hablo iyo Wiilaal Reer burco ah, waxaanu wadanay laba baabuur, waxaanu u diyaar garownay safar dheer Oo aanu ku tageyno Warshadda iyo Xaruumaha Shirkadda SBI Oo ku taala Deegaanka Jaleelo Oo katirsan gobolka Maroodi jeex. Waxa Uu ahaa U jeedka safarkayagu dalxiis, dal barasho iyo Aqoon korodhsi aan kusoo baranayno Qeybaha kale duwan Ee Warshadu ay ka kooban tahay.May be an image of one or more people and people standing
Waxaanu ka bilownay Safarkayaga magaalo madaxda gobolka Togdheer Ee burco. Xilligu waa Jiilaal Oo dhulka boodh iyo habaas daran ayaa ka kacaya, dad iyo duunyaba abaarta ayaa muuqata.Ilaahay ayaan ka baryeynaa Inuu Naxariistiisa aan dhamaadka lahayn inoogu deeqo, waxaanu gaadhnay degmada Shiikh, se buurtii cagaarnayd, waxaa sameeyey jiilaalka daran Oo indhaha ayaaba diidayey in aan daqiiqado Joogno, qorax daran ayaa ka dhacaysay, daruurihii dul hogan jiray markan, waxaa ka awood batay falaadhaha ay qoraxdu kusoo ganayso dhulka abaarsaday. Waanu sii wadanay Socdaalkii aan ku tageynay gobolka Maroodi jeex. Ku dhawaad saacad ayaanu ku hakanay Tuulada Hudisa. Marka aan deegaankan soo gaadhno, waxaa qof kasta kusoo dhacaya xasuustiisa Wax yaabihii gaarka u ahaa tuulada hudisa Ee ay kamid ka ahaayeen Saytuunka iyo Malabku, waana goob caan ku ah kulminta baabuurta u kale baxda goboladda bariga iyo galbeedka Somaliland, waana meesha inta badan socotadu ay ka qadeeyaan, wakhti kooban ka dib, waxaanu isu diyaarinay Socdaalkii dal barashada ahaa, qof kastoo Naga mid ahaa, wuxuu Uu soo gutay Waajibaadka (salaaddii) Uu ina faray Allaha Amaanta iyo sharafta mudan.
Dhamaantayo, waxaanu u heynaa socdaalka Xiise balaadhan, waxaa bilaamay Sheeko, kaftan iyo iswaraysi ayaanu wadada U dhaxeysa berbera ilaa hargeysa aan gaadhnay noo dhaxeysay, waxay ahaayeen saacado aanu wax badan kale guntanay, kuma aanu hakan magaaladii astaanta u ahayd jacaylka Ee berbera, waanu jeclayn in aanu Marno xeebtii dalxiiska Ee batalaale si qof kastaa Uu xasuus qorkiisa ugu Xardho, wixii Uu ka arkay ama kamaqlay dhawaaqa ay soo lalinayso mawjadaha baddu. Intii aanu socodka ku jirnay, waxay indhahayagu qabanayeen shaqada adag Ee kasocotay wadada u dhaxeysa labada magaalo madax Ee berbera iyo hargeysa, waxay mudan yihiin Duco iyo bogaadin shaqalahaasi ay hawlkarnimadu ka muuqatay. Dooxyadii dacar budhuq iyo aw barkhadle ayaa yana ahaa kuwo Qalalan, waxay dhirta iyo deegaankuba ahaayeen kuwo abaarsaday. Sheekooyinkii kale duwanaa iyo xawaarihii baabuurtu kusoconayeen ka dib, waxaanu soo gaadhnay 5:40 habeenimo Barta baadhitaanada gaaddiidka Ee haleeya, waana Albaabka laga soo galo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.May be an image of one or more people and people standing
=> Hargeysa
Waanu nabad tagnay magaalo madaxda dalkeena Ee hargeysa, waxaa kamuuqday horumar wanaagsan balse aan wali gaadhin halkii laga filayey, hargeysa dadkeedu sidii ayey qaarkood u haraadan yihiin, waxaan u rajeynayaa inay biyo wanaagsan helaan, waxaanu toos u beegsanay Wadada tagta Goobta aanu ku hoyan doono Oo ahayd Ambassador Hotel Oo ay noo sii diyaariyeen Maamulka Shirkadda SBI Coca-Cola, waxaanu marnay baadhitaano kale duwan Oo lanagu hubinayo, daqiiqado ka dib, waxaa Hotel nagu sugayey Madaxa Shirkaddaha Laas Mudane Maxamed Xaaji,Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Shirkadda Mudane Maxamed Cabdi, waxaanu ku hoyanay qolaalkii gaar lanoogu diyaariyey, intii aanu joognay, waxaanu lakulanay soo dhaweyn iyo adeeg wanaagsan.
Waxaa mahad u sugntaanay Ilaahay Oo nabad iyo caafimaad qab nagu wada gaadhsiiyey dhamaantayo in aan ku waabariisano. Falaadhaha qoraxda ayaad si wanaagsan uga daawanaysaa daaqada qolka aad dagan tahay, se dhawaaqa shimbiraha dhagahaagu Maqli maayaan, waxaanu isu diyaarnay diyaar garowga Socdaalkii aanu ku tageynay deegaanka jaleelo Oo ah goobta ay ku taalo Xaruunta shirkaddu, balse waxaa ka horeysa quraacdii subaxnimo, hal miis ayaanu wada fadhiisanay hablo iyo wiilalba, waxaa naga wada muuqda farxad iyo caafimaad qab, waxaanu rajeynaynaa inay noo noqon doonto subax farxadeed, jacayl iyo wanaag, waxaanu goobta Afur sharafeedka (Quraacda) ugu tagnay Oo saacado ka hor sii fadhiyey Maamulaha Guud Ee Shirkaddaha Laas (Laas Group) Mudane Axmed Cismaan Geelle iyo Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Shirkadda Mudane Maxamed Cabdi, waxay nagu soo dhaweeyeen Bariido nabadeed iyo waji furnaan. Daqiiqado kooban Oo aanu goobta wada fadhinay, waxaa bilaabaymay isbarsho iyo Weedho mahadcelina, waxaa hadal isugu jiray dardaaran iyo dad jacayl nala wadaagay Mudane Axmed Cismaan Geelle, waa nin Af gaaban Oo marka Uu hadlayo weedhihiisa ku deeqsiinaya Oo aan laga Daaleyn, waa masuul ay waddaniyad iyo dabeecad wanaagsani kamuuqato Oo aan ahayn mid islaweyn, waxaa kamid ahaa Weedhihii ku jiray hadalkii koobnaa Ee Uu Nala wadaagay “Waxa aan jecel nahay in aan dalkeena wax ka dhigno, wax ka beerano inagoo mideysan Oo aynu ku faano ka wax ina taraya, waan idiin duceynayaa, waxaanan idiin rajeynayaa inaad nabad tagtaan, soona aragtaan waxa aan meesha ku heyno Insha Allah.” Markii hadalkii soo dhamaaday, waxaa goobtii casuumadda lagu gudoonsiiyey Mudane Axmed Geelle buugga baadisoocda Looga Dhigay “CAWKE” Ee laga qoray taariikhdii wartabiye Axmed Xasan Cawke Ee Uu qoray Adeege bulsho Xildhibaan Mustafe Magaalo Oo qeyb ka ahaa Socdaalka.May be an image of one or more people, people sitting, people standing, headscarf and outdoors
=> Jaleelo
Jaleelo, waa deegaan caan ku ah biyaha, waxaana loogu magac daray dooxada jaleelo Oo kamida dooxyada ugu taariikhda weyn dooxyada Somaliland, waxayna ku taala waqooyi bari Ee magaalada hargeysa. Dadka ku nooli waa Xoola dhaqato beeraley, waana meel ilaahay ku maneystay biyo, waxayna kamid tahay goobaha laga waraabiyo dadka ku nool magaalada hargeysa. Inta aad mareyso wadada tageysa xaruunta Warshadda, waxay indhahaagu qabanayaan saameynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka, waa xilli jiilaalku Uu sii baxayaayo Oo Uu Saameyn daran reebayo. Wadada lamarayo waa raf gaaddiidka qaarkood ay beerka dhigayaan Ciidda biyaha dhulka hoostiisa maraya soo baacinayso, waxaad moodaa biyaha deegaanka jaleelo inay diyaar u yihiin inay waraabiyaan dadkeena, balse aynaan wali usoo qalab guran qodistooda, waa dhul dooxyo Buuraley iyo bacaad ah.
Ku dhawaad Masaafo dhan 35 Cabir Socod (KM) in aanu socono ayey nagu qaadatay, waxaanu soo gaadhnay Albaabka Xeyndaabka laga galo Xaruunta Warshadda SBI Coca-Cola, waxay ilaalada gaarka Ee Xaruuntu nagu wargaliyeen in qof kasta Oo naga mid ahi Uu maro goobta faraxalka, waxayna noo qeybiyeen Af Xidh (Face masks), waxay ahayd talaabo wanaagsan Oo looga hortagayo, Laguna yareynayo halista iyo Faafitaanka Cudurka Coronavirus. Albaabka hortiista, waxaa ku xardhan jaantusyo lagu muujiyey waxa ka madnooca ah guddaha Xaruunta iyo Fariimo la farayo socotada, intaasi ka dib, waxaanu marnay qol laga sii qaadanayo Warqadda booqashada Oo ah ogolaanshaha (Visitor identify card) rasmiga ah Ee Aad kusoo galeyso guddaha Xaruunta. Waxaa goobta joogtay Askar hab dhaqan iyo Anshax wanaagsani kamuuqday, waxay nagu soo dhaweeyeen guddaha Xaruunta si sharciya, waana halka bilowga U ah Sharciyada aan kusoo arki doono guddaha Xaruunta. Dhagax quruurux ah ayaa daadsan afaafka hore Ee goobta, waxaana kamuuqda goobo cagaaran iyo Summadaha Shirkadda Coca-Cola, markii aanu daqiiqado dhex soconay guddaha Xaruunta, waxaa nasoo dhaweeyey Sarkaal katirsan Maamulka Warshada Oo salaan nagu qaabiley, wuxuuna u dhaqaaqey isagoo na hagaya goobtii aanu nasashada ku qaadan lahayn. Waxaa naloo diyaariyey Hadhimo sharafeed (Qado sharaf) Mudnaanteeda leh. Oday Cabdiraxmaan iyo Cabdifataax ayaa kamid ahaa dadkii sida sharafta leh noogu adeegay, waxayna mar walba ku celinayeen marka aanu u mahadcelino “idinka ayaa Mudnaanta leh.” Waxaa goobta kamuuqday dad hab dhaqankoodu dhisan yahay. Qof kasta waxaa lagu soo dhaweeyey goobta cuntada lagu diyaariyey, wuxuuna qof kastaaba doontay Cuntadii dookhiisa ahayd, run ahaantii waxay ahayd Cunto si khibrad iyo Farshaxnimo leh loo kariyey. Mahadsanid adeegihii Cuntadan kariyey iyo kal kaaliyayaashiisiba, waxaa madasha Nagula qadeeyey Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Shirkadda Mudane Maxamed Cabdi Oo ahaa hagga Socdaalkayaga, markii aanu Qadadii kasoo faraxalanay, waxaa Naloo sheegay Masaajidka iyo Goobaha weysada, Waxaanu soo gudanay Waajibaadka (salaaddii) Uu ina faray Allaha Amaanta iyo sharafta mudan.
Saacado aanu nasasho ku jirnay, waxaanu kulan wadajira ku qaadanay afka laga galo Warshadda ku taala Xeyndaabka Shirkadda SBI COCA-COLA, waxaa madasha hadal kooban ka jeediyey Mudane Maxamed Qawdhan, wuxuuna hadalka ku wareejiyey Ku Xigeenka Madaxa Wax soosaarka Warshaddaha Mudane Cabdifataax, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay weedho mahadcelin, soo dhaweyn iyo Alle ka cabsasho kamuuqato ” inta ay Socdaalka kusoo jiraan dadka Nasoo booqanaya, waanu u duceynaa inay si nabada nagu soo gaadhaan, markasta Ogaada waxaad ku jirtaan Gacmaha ilaahay, waanu idiin duceyn doonaa.” Wuxuu si faahfaahsan Noogu sheegay waxyaabaha Warshadda ka madnooca ah marka guddaheeda lagalo, wuxuuna nagu adkeeyey in aanu raacno wadooyinka loogu talagalay Dadku inay maraan in aanu Marno inta aanu ku jirno guddaha Warshadda. Halkan ayaa ah bilowga casharadii aanu kusoo aragnay Warshadda, waxaanu tagnay Haamaha lagu shubo Maadooyinka Sharaabka ka Dhigga Xaamudi (Soda), wuxuuna naga siiyey xogg dhameystiran, Goobaha laga Maamule socodka qul qulka biyaha iyo cabirkoodaba, waxaana joogey shaqaale reer Somaliland ah Oo aqoonsare U leh shaqadda, Qolaalka lagu hayo Madooyinka Sharaabka lagu daro, goob kasta Oo aanu mareynay waxaa ku yaalay Jaantusyo digniino ah Oo lafarayo Qof kasta Oo goobahan soo gala inuu raaco iyo Qalabka lagu maydho Oo loogu talagalay qofka ay soo gaadhaan Maadooyinku (Chemicals) inuu isaga maydho, inta aanay jidhkiisa ku fidin, waxaa xusid mudan goob kasta waxaa la dhigay Sunduuqa ay ku jiraan qalabka gargaarka deg dega ah Ee Caafimaadka (First Aid box), waana tusaale wanaagsan Oo muujinaya sida loo ilaaliyey badqabka Caafimaadka Shaqaalaha. Waxaanu marnay goobta lagu sifeeyo biyaha Dasani oo kamida wax soo saarka Warshadda, waxay biyuhu maraan meertooyin kale duwan Oo si adag loo ilaaliyey tayadooda, dhadhankooda iyo caafimaad qabkoodaba. Waxaa dhanka waqooyi ku yaala Qolaal lagu keydiyo Madooyinka dhadhanka U yeela Sharaabka iyo Sonkorta lagu daro, waxaana loo ilaaliya si gaar ah, intii aanu goobahan mareynay waxaanu weydiinaynay Hagaha socota Weydiimo la xidhiidha goobta, waxaana kamid ahaa sidee ayey sonkortani uga badbaadaa halista deegaanka iyo biyaha badda Ee ay soomareyso? Wuxuu ku warceliyey in horta sonkortani aanay ahayn ta suuqyada lagu isticmaalo, balse ay tahay sonkor gaar u ah Sharaabka shirkadda Coca-Cola, waxaana laga soo iibsadaa Shirkadd kaliya Oo ay aqoonsan tahay Shirkadda Coca-Cola, waxaana loo ilaaliyaa si adag kiishashka iyo Haamaha ay ku jirtana, waxaa lagu xidhaa lingax adag, haddii lingaxa Oo kamida Shuruudaha u yaala aanu kamuuqan, waxay noqonaysaa sonkor aan la isticmaaleyn sidaa ayaanu u ku joojinaa adeegsigeeda.
Ku dhawaad 40 daqiiqo Oo aanu ku jirnay socod iyo dhageysiga Xoggaha Warshadda, waxaa Nala tusay barkaddo lagu beeray kaluun maqaarkiisu madow yahay Oo koox koox biyaha ugu dawaafaya, waxaana loo daadiyaa cunto gaara si ay u arkaan dalxiisayaashu, Marka cuntada loo daadiyo inta Uu madaxa lasoo baxo ayaad moodeysaa inuu salaan sharaf bixinayo! Waa mid kamida waxyaabaha gaarka ah Ee aanu kusoo aragnay Xeyndaabka Warshadda.May be an image of tree, park and road
Waxaanu soo galnay guddaha Warshadda goob kasta Oo kamida, waxaa ku qoran fariimo ay muhiim tahay In lagu dhaqmo, waxaana kamid ahaa halku dhigyaddii goobta aanu kusoo aragnay “SBI, waxay ilaalin gaara siisaa deegaanka”, Qol kasta waanu istaageynay, waxaana nalaga siinayey xoggo nagu filan, haddii aanu Weydiimo heynana, waxaa Nala siinayey warcelino aanu ku qanacno, gidaar kasta waxaa ku xidhan Qalabka lagu bakhtiiyo dabka (Fire Extinguisher) iyo badhinka baaq diraha ah (Fire alarm), waxayna diyaar garow wanaagsan u tahay inay Maamulka Warshadu sameeyeen ka hortag. Goobihii aanu sii marnay, waxaa kamid ahaa qolka Shirarka, qolka keydka Qalabka Warshadda (industry spare parts room) iyo qolka Shaqaaluhu ay ku labistaan. Waxaa dhanka koonfurta aanu kasoo galnay Goobaha lagu sameeyo Sharaabka Xaamudiga ah (Soda Drink), Caagadaha Sharaabka iyo qolka lagu diyaariyo marka suuqa la keenayo. Waxaa xusid mudan inay goobta ku yaalaan 3 warshadood Oo kale ah Warshadda Sharaabka, Biyaha iyo Caanaha, waxaa laba Aag Oo Isu dhow ku yaala Warshada soo saarta Sharaabka SBI COCA-COLA Iyo Biyaha Dasani, waxay nagu qaadatay in aanu ka bogano 1 saac iyo daqiiqado. Waxaa guddaha labadaasi warshadood ka shaqeynayey shaqaale diyaarsan Oo ku labisnaa qalabkoodi shaqadda.May be an image of 1 person, standing and outdoors
Dhanka Cad ceed dhaca ayaanu usoo jeesanay, waxaa intaaba nahagaya Mudane Cabdifataax Oo ah Ku Xigeenka Madaxa Wax soosaarka Warshadda, wuxuu ahaa madaale Hawl kar ah, waxaanu odhan karnaa wuxuu ahaa mid kamida wax yaabihii xasuusaha nagu reebay ee aan kale kulano Warshadda, waxaanu socod lug ah kusoo beegsanay halka ay ku taalo Warshadda Caanaha LIS, waxay ku taala goob ka go’an Warshaddaha kale, waxaa qof kastaa u hayaa xiise gaar ah inuu soo arko habka loo sameeyo Caanaha lis iyo meertooyinka ay maraan, waa hubaal inay halkani ka duwan tahay goobihii kale, waxaa si adag loo ilaaliyey Caafimaadka Caanaha, inta aanad gelin goobta Caanaha, waxaa lamarayaa qalab hubinaya Fayo qabkaaga, haddii Uu qalabkaasi ku qabto, waad ka noqonaysaa goobta ilaa aad soo dhameysato waxyaababa Uu kaga baahan yahay. Qof kasta kabihiisa, gacmihiisa waxaa maydhaya qalabka, waana waajib in qof kasta Oo goobta Caanaha galayaa Uu ku xidho Madax gambadda (Disposable cap), Af xidhka iyo gadhkaba (Face and beard masks), waa waxa ugu horeeya Ee goobta Looga baahan yahay qofka galayaa inuu xidhan yahay, waxaa goobta ku yaala joogag waaweyn Oo lagu shubo Caanaha marka laqasayo, Laguna kariyo, waxaana si adag Loo ilaaliyey tayada caafimaadka, waxayna raacaan Shuruudaha Shirkadda Tetra pak, waxaanu soomarnay Goobaha lagu sameeyo tuunbooyinka lagu cabo Caanaha, sharaabka fudud Ee kasoo baxa Warshadda iyo Qalabka Nashqadeeya Agabka lagu shubo Caanaha Lis iyo Sharaabka fudud (Milk package), waxaana joogay shaqaale dadaal badani kamuuqday, waxaanu u wareegnay qeybta ay maraan caanuhu marka loo diyaariyo in lagu shubo agabkii loogu talagalay, wax yaabaha goobta yaala waxaa kamid ahaa marka Caanaha lasoo dhameeyo, waxaa si toosa loo mariyaa Qeybta Sheybaadhka Oo lagu hubiyo madooyinka Looga baahan yahay Caanaha in loo dhameystiray, haddii Caanaha ay kusoo baxdo ciladi, waxaa si toosa looga joojinayaa inay baxaan ilaa loo dhameystirayo tayada caafimaad Ee Looga baahan yahay inay yeeshaan, waxaa wax lagu farxo ahayd Goobaha aanu mareynay, waxaa gacanta ku hayey dhallinyaro aqoon iyo diinba ay kamuuqatay Oo reer Somaliland ah qaar kood ay wax ku barteen dalka guddihiisa iyo dibadiisaba. Goob kasta Oo aanu marnaa, waxay kor U qaaday kalsoonida aanu ku qabi karno tayada Caafimaad Ee ay leeyihiin Caanaha Lis, waan ku bogaadinaynaa Maamulka iyo shaqaaluhuba sida ay awood dheeraad ah u saareen badqabka Caanaha.May be an image of 1 person and standing
Qiyaas ahaan 4 Saacadood Oo aanu ku jirnay Xiisad aanan dugsiyada iyo jaamacadda kusoo baran, waxaanu soo dhameysanay Casharadii Warshadda dhexdeeda ahaa, goob kasta Oo kamida Warshadu waa cagaara aan indhuhu ka daaleyn, waa deegaan qurux badan Oo aad ku ilaaweyso daal kasta Oo ku hayey, waxaa dhirta ka dul dhawaaqaya Shimbiro kale codad duwan, waxaanu ku qaadanay barxadihii cagaarnaa mid kamida Cuwaaf (Casariye) ka kooban Shaah iyo Macmaan. Intaanu shaaheynay, waxaa qof kastaa Uu weedho kooban ku cabiray, wixii Uu goobta ku arkay, kuma soo koobi karno erayo dareenadii kale duwanaa Ee laga bixiyey, beeraha saytuunka ayaa qeyb ka ah mucjisadda goobtani taala, waana deegaan si gaara loosiiyey ilaalin iyo Daryeel, waxaanu kawada sinayn inuu goobtan Uu dhexyaalo Sawir layaab leh!
Waxa aanu kawada marag nahay Oo aanu goobta kusoo Aragnay sida waddaniyada iyo dad jacaylka leh Ee Ay dhaqaale intaasi leeg U galiyeen dalkeena Qoyska Reer Cismaan geelle, waxaanu ilaahay u Weydiinaynaa inuu u barakeeyo, kana abaalmariyo shaqo abuurka iyo biyo soo saarka ay deegaanka ka sameeyeen.May be an image of 1 person
Waxaanu U mahadcelinaynaa ilaahay Oo nagu simay in aanu nabad iyo caafimaad qab kusoo guryaha noqonay, Maamulka Guud Ee Shirkaddaha Laas Mudane Axmed Cismaan Geelle, Madaxa Shirkaddaha Laas Mudane Maxamed Xaaji,Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Shirkadda Mudane Maxamed Cabdi Qawdhan, ku xigeeenka Madaxa Wax soo saarka Warshahadaha SBI COCA-COLA Mudane Cabdifataax, Maamul hoosaadyada laamaha kale duwan Ee Shirkadda, Sawirqaadayaashii, Askartii, darawaladii iyo Shaqaalihii hawl karka ahaa Ee mar walba Noo muujinayey soo dhaweynta. Waxaan U rajeynayaa Shirkadda horumar ka wanaagsan halka ay maanta mareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here