Goob Joogge Ka Waramay Qaabkii Ay U Dhacday Dhagaysiga Dacwada Loo Haysto Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

0

Waa maalinimo arbaca ah oo taariikhda miilaadiguna tahay 19ka bisha 6aad ee sanadka 2019ka, afaafka iyo soonayaasha ku xeeran maxkamada gobolka Maroodi-jeex waxaa si adag amaanka usugaya ciidamo boolis ah oo wata xaajiyado tiradoodu 5 gaadhi dhantahay, waxaa maxkamada la keenay cabdimaalik muuse coldoon oo 17kii bishii 4aad ee sanadkan qaab aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka somaliland ciidamo uga soo qabteen magaalada burco, waxaa bilaabmay in ay dadku kiyuu ama saf ugalaan sidii ay uga xaadiri lahaayeen hoolka dacwadu ay ka furmayso, ciidamada ayaa baadhaya dadka galaya hoolka iyaga oo ka reebaya moobilada iyo agabka kale ee ay dadku sitaan waxaanay ciidamadu dadka ula dhaqmayeen siwanaagsan oo asluub leh.
Waxaa soo buuxiyay hoolkii dadkii danaynayay dhagaysiga dacwada weriye Coldoon kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin,saxafiyiin,ururada bulshada, qoyskiisa,iyo mudan kale
Markii uu soo galay garsoore cabdisalaan sare ayaa loogu wada kacay sida ay caadada maxkamaduhu ka dhigteen, waxaa katiinadii gacmaha laga furay cabdimaalik walaw uu ku sii dhex xabisanyahay qol yar oo bir kasamaysan oo hoolka kaga yaala dhinaca waqooyi galbeed, xaga sare waxaa soo saaran garsoore cabdisalaan iyo labadiisii kalkaaliye oo hareeraha ka fadhiya, mid wuxuu adeegsanayaa laptop, mid ka kalana qalin iyo waraaq, miiska hoose ee xaga hore waxaa ka siijeeda qareenada difaacaya eedaysane cabdimaalik muuse coldoon waa 4 qareen , ka soo bilaw qareen maxamed abokor,ku xigsii qareen jamaal mandela, ku sii xigsii qareen maxamuud cabdiraxmaan, waxaa ka sokeeya qareen Mubaarik cabdi,4ta qareen waxaa dhinaca bidix ka xiga xeer ilaaliye cabdiraxmaan oo ah dacwad oogaha dawlada.

9:30am
Hada waxaa bilaabmay dacwadii qareen jamaal mandeela oo adeegsanaya xeerarka maxkamadu wuxuu ku dedaalayaa in 2 qodob ee xaashida eeda ugu sumadsan eeda 1aad iyo eeda 3aad ay isku mid yihiin dugsiga abaarsana wada quseeyaan markaa laysu guuriyo oo eeda 3aad la tuuro isaga oo tusaale usoo qaatay hadii qof lagu eedeeyo eeda dil uugeystay inaanay suuragal ahayn in hadana qofkii eed 2aad looga dhigo marka aad dilka geysanaysay qofka waxaad ku handaday inaad dilayso , xeer ilaaliye cabdiraxmaan ayaa difaac galay uu ku dalbanayo in 2da eedood uu uhayo qiil sharci oo u ogalaanaya in uu eeda abaarso laba ukala qaado
Xeer ilaaliye cabdiraxmaan ayaa hada uyeedhay dambi baadhihii ciidanka booliska ahna taliyr ku xugeenka qaybta baadhista dambuyada ee baadhay dacwada coldoon waa sarkaal sare oo lagu magacaabo cabdi kiin, cabdi kiin ayaa lagu dhaariyay in uu ku dhaarto in aanuu waxna ku darayn waxna ka dhimayn wixii uu kala kulmay baadhista uu eedaysanaha ku sameeyay.

Cabdi-kiin baadhihii booliska

Cabdi-kiin wuxuu hadalkiisa ku bilaabay cabdimaalik wuxuu si toosa uga horyimid madaxbanaanida iyo qaranimada somaliland, wuxuu cabdimaalik ku eedeeyay kalmada caan baxday ee #TALISKANI_TUBTII_BUU_HAYAA_TALISYADII_HOOGAY, iyo weedh kale oo ah: #Taliska_Muuse_Biixi_waa_taliskii_CBdi_iley_oo_soo_koraya , waxa kale oo uu ku daray in cabdimaalik sheegay mar ay teliyayaal ciidan caafimaad turkiga iyo Itoobiya u aadeen taas oo uu weriyaha ku haystay maxaad u tidhi waa loola cararay? hada garo oo cabdikiin wuxuu leeyahay caafimaad wey u tageen laakiin loolama cararin. wuu siiwatay oo wuxuu yidhi coldoon ayaa yidhi “raali kama ihi in soomaali lakala gooyo”, wuxuu ku sii daray oo wuxuu cabdi kiin eed ka dhigay warbixin carabi ah oo coldoon tusaale ku qaatay mar uu tababar ka qaadanayay tilifayshanka aljazeera oo uu metelayo madaxweyne farmaajo oo hargeysa u imanaya wada hadalada somaliland iyo Somaliya , ugu dambayntii wuxuu eed ka dhigay qoraalo ku waajahnaa iskuulka abaarso oo coldoon mudo hore ku baahiyay bartiisa Facebooga. Intaa uu cabdi kiin dacwadaha jeedinayo waxa godlinaya oo hadba weydiin iyo marag-fur ugu hal-celinaya xeer-ilaaliye cabdiraxmaanIm iid oo mar hore hadalka ubaxay cabdi kiina marag ahaan goobta usoo joojiyay.

Difaacii Qareenada

Qareenada difaacayaya weriye cabdimaalik waakuwa ugu caansan uguna awooda badan qareenada somaliland waana 4nin oo sumcad weyn ku leh garyaqaanada
Intii uu cabdikiin xeer ilaaliye cabdiraxmaan sheekada ka gurayay waxay sii diyaarsadeen weydiimo khalkhal gelin doona dambibaadhe cabdikiin, niyadana ka dili doona xeer ilaaliye cabdiraxmaan iid ,
Jamaal mandeela oo difaaca bilaabay wuxuu weydiimo ka weydiiyay sida uu qaranku dhibane uga yahy coldoon iyo eedihii uu jeediyay cabdi kiin? cabdikiin wuu ku raftay jawaabiii waxa hadana kacay qareen Mubaarik cabdi wuxuu isna soo qaatay eeda ku saabsan kelmada taliskani tubtii buu hayaa talisyadii hoogay ku ganay cabdi kiin isaga oo weydiiyay kelmada talis wuxa uu cabdi kiin u yaqaan isagu?
Waxa uu ku jawaabay jawaabay “xukun ama maamul ayaan u aqaan talis”
waxaa laweydiiyay markaa miyaanuu taliskii muuse ahayn?
Cabdi kiin ayaa ku dooday in cabdimaalik taliska muuse u eekaysiiy kii cabdi iileygii Jigjuga.
Waxa kale oo la waydiiyey cabdikiinoow taliskii cabdi iiley siduu ahaa?
“Cabdikiin wuxuu ku jawaabay mid xun buu ahaa oo dadka jeel ogaadeen usamaystay” ,
Waxaa hadana lagu yidhi taliskaasi miyaanuu ahayn kii madaxweyne muuse biixi la kulmay ee aad idinkuna hadaad ciidanka tihiin udhiibi jirteen raga ka tirsan Jabahadda ONLF iyo qaar kale oo ka mid ah shacbka caadiga ah ee Soomaaligalbeed ka soo baxsada?
Cabdikiin wuxuu yidhi wada shaqayn ayaa naga dhaxaysay xiligaas taliska cabdi iiley…….

Hadalkii socay oo wuxuu Jamaal-Mandeela weydiiyay hadii aydaan waqtigaas islahayn wuu hoogi doonaa cabdi iiley oo maantana uu madaweyne biixi wado talaabooyinka uu dadka ku cabudhinayo ee xayiraada TV-yada Eryal iyo Horyaal ka mid yihiin miyaanuu madaxweyne Biixi haynin tub khaldan ?

Hadalkii sii socoy markaana waxaa ubaxay hadalka qareen Maxamed Abokor oo si kulul usoo galay hadalka wuxuuna weydiiyay cabdi kiin iskuulka abaarso dacwadiisa yaa dhibane ka ah mar hadii aanu iskuulku qoraal rasmi ah oo uu dacwad ku furanayo usoo gudbin maxkamada?
Cabdikiin wuxuu sheegay in uu isagu lugihiisa ugu tagay iskuulka abaarso markii uu maamulkii ka waayeyna qoraal cabasho ah ka soo qortay nin xisaabiye ka ah iskuulka oo uu dhalasho ahaana jabaaniis umaleeyay ,
Waxa la weydiiyay cabdikiin gudiga iskuulka mala kulantay?
May buu ku jawaabay ,
Waxaa la weydiiyay arday dhibane ka ah coldoon mala kulantay?
May buu ku jawaabay
Waxaa laweydiiyay abaarso hadaanay dacwadba soo gudbin maxaad eedeeda u oogaysaa?
Cabdikiin wuxuu maxkamada tusiyay markaas waraaq cabasho ah oo uu soo qoray nin magaciisa ku sheegay “James”, qoraalkana wuxuu james ku socodsiinayaa ciidanka sirdoonka qaranka somaliland, waraaqdaasina waxay ku taariikhaysantahay 20kii meey ee sanadkan,hada garo oo waa cabdimaalik oo xidhan inkabadan bil.

Qareen Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa weydiiyay asalkaba hadaanad haysan waaran(Amar soo qabasho) lagu soo qabtay cabdimaalik maxkamadana aad ka hor sheegtay in markii Hargeysa la keenay lagu yidhi baadh maxaa lagugu yidhi ka baadh?
Cabdikiin wuxuu sheegay hadal u dhignaa markaa in uu bilaabay si uu cabdimaalik danbi iyo eed ugu helo in uu baadhitaan ku sameeyay Facebook waxa uu ku soo qoro geesta kalana uu booqday dugsiga abaarso si uu eed ugu helo cabdimaalik.
Qareenada oo cabdikiin weydiiyay in uu hayo qoraal uu sirasmiya cabdimaalik ugu eedaynayo dugsiga abaarso in lagu barto isku galmoodka dadka isku jinsiga ah amba ardaydaasi ay sameeyaan dhaqankaas?
Wuxuu cabdikiin maxkamada hordhigay sawir 2hablood oo carabka laadlaadinaaya iyo labo wiil oo carabka laalaadinaya iyo macalimad iyo araday carabka laalaadinaya oo coldoon dusha kaga qoray waa maxay sababta carrabka loo soo saarayo? taasina cadayn way unoqon weyday dambibadhe Cabdi Kiin.

Gabagabadii kulanka maanta oo soo xidhay 11:15am

Cabdikiin waxaa la weydiiyay tobanaan weydiimood oo uu kuwada margaday eediisiina barkumataal ka dhigtay, xeer-ilaaliye cabdiraxmaan Iidna xujooyinkii cadcadaa wey aamusiiyeen ugu dambayntiina garsoore cabdisalaan ayaa mudeeyay kulanka 2aad ee dacwada oo loo cayimay 25ka bishan 6aad ee 2019 oo salaasad soo socota ku beegan.

FG:
Cid dugsuga Abaarso ka socota oo ka soo qaybgashay fadhigii maanta ma ay jirin.

Goobjooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here