Golaha Wasiiradda Cusub Ee Suudaan Oo La Dhaariyey

0

Waxaa la dhaariyay Golahii wasiirrada ee u horreeyay ee ay Suudaan yeelato tan iyo markii xilka laga xayuubiyay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir, bishii Abriil

Golahan wasiirrada oo ka kooban 18 xubnood waxaa ka mid ah afar dumar ah.

Asmaa Cabdallah ayaa noqotay haweenaydii u horraysay ee wasiir ka noqota wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

Dhaarinta Golaha wasiirrada ayaa Axaddii ka dhacday qasriga madaxtooyada oo ku yaalla magaalada Khartuum.

Waxaa rajo wayn laga qabaa in golahan wasiirradu ay diiradda saari doonaan hagaajinta nolosha dadka, ka dib dawladdii cadaadiska badnayd ee Al Bashiir.

Arrintan ayaa timid ka dib markii bishii hore la aasaasay guddi madax bannaan oo ka kooban xubno shacab ah iyo kuwo milatari ah.

Ahmiyaddooda degdegga ah waa sidii ay u hagaajin lahaayeen dhaqaalaha oo aad u liita, iyo soo afjaridda colaadaha.

Madaxweyne Bashiir ayaa sameeyay malayshiyaad daacad u ah kuwaas oo xukunka ku hayay.

Ma cadda in mudaaharaadyadii bilaha socday ay dhaleen isbadal dhab ah.

Qaar ka mid ah xulafadii aadka ugu dhawaa madaxweynihii hore – oo ay ku jiraan shaqsiyaad milatriga ka tirsan ayaa xilal awood badan ka haya guddiga madaxa bannaan ee cusub.

Haddii ay caddaato in isbadal sax ah uusan dhicin, waxaa laga yaabaa in wakhti dhaw ay waddooyinka soo buux dhaafiyaan dad dalbanaya isbadal dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here