Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Mar Kale Taageerey Heshiiska Dekeda Berbera + Go’aana Ku Taageerey Qaranimada Somaliland

0
334

Go’aanka Golaha wakiilada ee Taageerida Hishiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Faderalke Itoobiya, iyo Shirkada DP.World

. isago tixgalinaya waajibaadka dastuuriga ah eek a saran ilaalinta, qaranimada, madaxbanaanida, sharafta, iyo shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland.

. Markuu si mugleh u eegay faragalinta dawlada Faderalke Soomaaliya ku heyso madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

. Isaga oo tixraacaya qodobada 1,2,1o,11,37, iyo 53 ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya qaranka Jamhuuriyadda Somalilnd, dalka Jamhuuriyadda Somaliland xidhiidhka dibada, dhaqaalaha dalka iyo awooda iyo waajibaadka golaha wakiilada

. Markuu arkay qodobada xeer hoosaadka golaha wakiilada .

Waxaa uu maanta oo taariilkhdu tahay 13/3/2018 uu soo saaray go’ankan

1 Madax banaanida midnimada iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland waa lama taabtaan

2 Wuxu goluhu wakiiladu si buuxda u canbaareynayaa go’aankii gardarada iyo sharcidarada ahaa ee Golaha shacabka dawlada Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera, sidoo kale waxaa uu goluhu si xoogan u canbaareynayaa faragalinta qaawan ee dawlada Soomaaliya ku heyso madaxbanaanid iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somalliland

3 Goluhu isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuu si buuxda u ayidayaa maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka si loo xaqiijiyo kobcinta dhaqaalaha, shacqa abuurista iyo nolosha bulshada guud ahaan.

4 Goluhu waxaa uu mar labaad taageerayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah , wuxuu 9/8/2016 cod aqlabiyada (69 cod) ku meel mariyay hishiiska maalgashiga dekadda Berbera.

5 Goluhu waxaa uu go’aamiyay in cidkasta oo kala qayb qaadata, ku taageerta ama si uun uga gacan siisa xukuumada Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah jiritaanka iyo madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland loo aqoonsadoo cadaw qaran.

6 Goluhu waxaa uu ururka qaramada midoobay , ururka midowga afrika, ururka Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, dawlad Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera horumarinta iyo Dimuquraadiyada u cadeynayaa in dhaqdhaqaaqyad dawlada Soomaaliya ka wado mandaqada geeska afka yihiin kuwo keeni kara xasilooni daro cusub, balse Jamhuuriyadda Somaliland mar kale dunida u cadeyneyso inay mabda, ahaan aaminsan tahay loona baahan yahan in si wada jira loo ilaaliyo nabad kuwada noolaanshaha, istixgalinta, iyo xuquuqda aayo ka tashiga.

7 Goluhu waxaa uu ugu baaqaya muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ugu baqaya inay si buuxda isu garab taagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka iyo ilaalinta madax banaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

No automatic alt text available.No automatic alt text available.

Allaa Mahad Leh

Golaha Wakiilada Jamhuuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here