Geedkii Mooliga ahaa Galbey!

0

Geedkii Mooliga ahaa wuu galbaday, waxana galaafatay gacan ka xaq daran. Falkaas maanta ka dhacay buurta Daalo waxa uu muujinayaa wacyigeenna aadka u hooseeya ee la xidhiidha qaayaha noolaha kale ee dhulka Ilaahay (SWT) innagu wada abuuray. Muuqaalka laga duubay, haddii hadda in yar oo innaga mid ahi maanta garanayaan foolxumada farriintaasi gudbinayso, waxa uu noqon doonaa markhaati cad oo ay facaadda dhalan doontaa innagu canaanan doonaan duugga iyo tayo-xumada deegaan ee aynnu uga tagaynno.

Inay goor walba innagu weynaataa badbaadada nafta aadanuhu waa arrin mudnaantiisa leh, se marka ay joogto geed nugul, aan wax gaboodfal ah gelin, kuna badbaaday meel tiigsiga dadka ka fog (iyada oo qof raba inuu naftiisa halleeyaa doonto mooyee), waa arrin aad u foolxun goyntiisu. Dadka sidan yeelaya miyaanay u muuqanayn in siyaabo kala duwan oo fara badan maanta nolosha dadkeenna lagu wiiqo oo lagu dilo – hadday yihiin dawooyin iyo raashin dhacay, hadday tahay musuqmaasuq iyo maamulxumo, hadday tahay caddaalad darro, iwm. Inteebey innaga qabaan habdhaqannadaasi.

Maalintii ugu horraysay ee wiilkii hore isku soo sawiray geedka isaga oo fuushan, markiiba waxa aan la hadlay Wasaaradda Deegaanka sidii meesha xayndaab loogu xidhi lahaa oo aan qof ahaan diyaar u ahaa inaan si weyn ama si dhammaystiran uga qayb qaato xayndaab meesha lagu xidho. Ha se yeeshee, nasiibdarro, tan aynnu aragno ayaa maanta dhacday.

Geedkan waxa ku gedaamnaa cibroqaadashooyin iyo casharro aan baacood la soo koobi karin oo dhinac kaa iftiiminaya dabiicadaha dhirta, adkaysigooda iyo la-qabsigooda deegaan, is-dhiibid la’aan iyo yididiilo. Marka laga tago in uu qurux dabiici ah lahaa, waxa uu dadka qaar nafsiyan buka u noqon karayay tusaale ay nafahooda halis weyn kaga badbaadiyaan, oo ku sii negaadaan inay dunta nolosha sii haystaan. Dhinaca kale waxa uu geedkani tilmaan u noqday inta jecel dhowrista deegaanka, ayna damqayso hagardaamooyinka aynnu sida maalinlaha ah ugu haynno sabooyinkeenna deegaan.
Hadda meeshaa uu ka maqan yahay waxay u dhigan tahay sumad ceebeed oo in badan la xasuusan doono.

Bal ila akhri faalladan yar ee aan ku qoray buuggayga markii aan 2009kii muuqaal kasoo qaaday:

“Meeshu waa laagga Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag oo gebigu (jarku) toos hoos ugu go’an yahay boqollaal mitir. Xudunta araggeennuna waa geedka Mooliga ah ee ka laalaada jarka, bal se u muuqda in uu ku guulaystay in uu kasoo kabto dhibaatado weyn oo hallayn lahayd – taasoo ah in uu gunta ka ruqo oo ku siibto jarka. Geedku xididdadiisii ayuu jeexjeexyada dhagaxa ku xejistay, culayskiisii oo idilna dhexda ayuu ku xambaarsan yahay, waxaanuu ku guulaystay in uu si is-dhiibid la’aan ah madaxa kor ula kaco si uu ula kulmo ama u helo iftiinka cadceedda oo uu u baahanyahay si uu u noolaado isla markaana u koro (weynaado). Muuqaalkani waxa uu tilmaan u yahay adkaysi, sabir iyo wax-iska-caabbin. Runtiina waa Aayad uu aadamuhu wax badan ka baran karo. Muuqaalku waxa kale oo uu inna xasuusinayaa adkaysiga dhirteenna iyo sidoo kale duurjoogteennu u lee yihiin ka-fal-celinta dhibaatooyinka soo food saara. Ayaan darro se, waxa ay haddana ciirsi-la’aan ka taagan yihiin habdhaqanka xil-kasnimo-darrada ah ee dadkeenna.”

Waxa Qoray Bare Sare Axmed Ibraahim Cawaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here