Ganacsiga Waxbarashada Gaarka Ah, Wejiga Xafiiska ImtixaanaadkaIyo Musuqa Deeqaha Dibadda

0

“Waryaa, adigu lacagtii maad keenin ee dibadda u bax. Naayaa adna dibadda isgee lacagtii maad bixine.”

Weedhahani waa qaar ka mid ah halku dhegyada caanka ah ee ay ardayda u isticmaalaan ganacsatada waxbarashada gaarka loo leeyahay. Waa dabeecad bahdilaad iyo dheg xumo ku ah nidaamka waxbarashada. Waa  dhaqan aragagixiso ku ah korriinka ardayga iyo fahamkiisa. Siduu noqonayaa arday yar oo inta la sara joojiyay fasalka dhexdiisa, iyadoo ardaydii kale oo dhami eegayso lagu yidhi weedhahaa, sidaana dibadda loogu tuuray?. Dhaawaca gaadhayaa intuu le,ekaanayaa?. Xanuunka iyo niyad jabka qof ahaan u gaadhay ma ka bogsan doonnaa?. Hadduu kaba bogsan karo, waqti intee le,eg bay ku qaadanaysaa inuu hilmaamo wixii maalintaa gaadhay?.

Somaliland ganacsiga waxbarashada aan dawliga ahayni waa mid xadhkaha goostay. Way jiri karaan kala duwanaansho tayo ahaan iyo dhaqan ahaanba, balse badi dhibaatada jirtaa waa mid loo arko inay ka siman yihiin ganacsatada waxbarashada gaarka ahi. Mid kasta magac xayaysiis iyo dacaayad lagu billay ayaa u sudhan. Meel kasta waa dugsi waxbarasho.

Tirra badnaantooda waxaad iswaydiinaysaa tollow Wasaaradda Waxbarshadu ma wada og tahay?. Ma la socotaa dugsi kasta tayadiisa, macalimiintiisu inay yihiin barrayaal u qalma magaca, tacliin ahaan, anshax ahaan iyo garaad ahaanba, lacagta laga qaado ardaygu intay dhan tahay, sababta sanad kastaba loo kordhiyo, in dawladu la jaangoyso kordhinta iyo inay iyaga ku kooban tahay iyo qodobo badan oo kale oo la olog ah.

Inkastoo markay ugu yar tahay qoraal iyo akhris laga faa,iidayo, misana waxa si wayn in loo ogaado u baahan tayadda tacliinta la siiyo ardayda, taasoo dugsiyada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay ku kala duwan yihiin.

“Ma ardaygaa baasa mise doolarkaa baasa?”

su,aashan ayaa ka mid ah waydiimo badan oo had iyo goor lays waydiiyo marka laga hadlayo tayada waxbarashada maanta, tayada macalinka iyo tayadda qalabka waxbarashada ee yaala dugsiyada.

“waa toban, maya waa shan iyo toban, maya ma garanayo….”

sidaa waxa ku jawaabay dhawr arday oo wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arkaanul islaamka iyo arkaanul iimaanka, xilli ay ka soo rawaxeen iskuulkay dhiganayeen oo ku yaala magaaladda Hargeysa. Wiilashaa  da,doodu dhawr iyo toban jir wayn bay ahayd, misana waxay waqti badan ku lumiyeen jawaabihii su,aalahaa, haddana kumay guulaysan inay si sax ah u helaan. Maaha wax sahlan ilmo dhawr iyo toban jir ah oo aan garanayn intaasi.

Dadka aadka ugu dhuun dalloola xaalada waxbarshada dalku, waxay ka werwersan yihiin maqnaanshaha siyaasad waxbarasho oo buuxda oo lagu hago nidaamka tacliinta dalka  dawli iyo gaarba, sare iyo hooseba.

“Wasaaradda Waxbarshada waxa laga hayaa oo keliya, amarkaa ay ku midaysay xilliga furitaanka iyo xidhitaanka dugsiyadda oo runtii ahaa mid loo baahan yahay, aadna ugu hambalyaynayo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xeel dheerayaasha dhinaca waxbarashada, kaasoo ku dhiirigeliyay Wasiir Geeddoole inuu qaado talaabooyin kale oo wax ka tara dhaliilaha waxbarshada.

“Xafiiska imtixaanaadka iyo hawsha imtixaanaadka dalkuba waxay u baahan yihiin dibu eegis, si loo suuliyo musuq, wax is daba marin, eex  iyo bakhshiish loo aanaynayo inuu sanad kasta ku lamaan yahay.” Sidaa waxa soo jeediyay mid ka mid ah saraakiisha waxbarshada ee isha ku haya siday wax u socdaan. Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Dhinaca deeqaha waxbarasho sanadihii tegay waxa ka dhacay musuqii ugu badnaa, isla markaana waxa bud dhig u ahaa eexaysi iyo qabyaalad, markaa waxa loo baahan yahay in wasiir Geeddoole dib u derso xaaladda waxbarashada dalka, dibna ugu soo dabaalo caddaalad dawaysa musuqii hore.”

Xigasho Ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here