“Ganacsatada Somaliland Waa Kuwo Ka Faa’iidsta Dhibta Soo Gaadha Bulshada” Naafac Yuusuf Muxumed

0

Qofka ganacsadahii waxaa u wax ku yahay waa bulshada hadba u wax ka iibinayo.

hadaba ganacsata Somaliland waxaa ay habeen iyo maalinba ku xisaabtaman kumanaan kun oo doolar oo ay ka helaan Shacabka masaakiinta ah ee aan jirin dawlad ama sharci adag u dhexeya hadaba akhristow waxaa aad ila eegta qodobadan aan hoos ku soo ururiyay:-

Taariikhda aduunka intaa la og yahay shidaalku wuxuu maraya halkii ugu hoosaysay, lakiin wadankeena` xataa shilin hoos luguma dhigin inaga oo og qiimaha ay maanta ku helaan shidalka.

Aduunku marka ay masiibo dhacdo ganacsatadu waxaa ay garab istaagaan dawlada ama nidaamka markaas jira iyaga oo gacan ka geysta taakulaynta bulshada halka kuwa somaliland ay ku ducaystaan in wax dhacaan si ay qiimaha kor ugu qaadan.

Maaha ganacsatada Somaliland kuwo tartan ka dhexeyo oo umada wax u faa’iideeya, waxaa keliya ee ay ku tartaman waxaa weeye in ay helaan  fooqyo badan iyo Gawaadhi ay kala bedelaan.

Bulshada ay habeen iyo maalinba waxa ay ka qaadanayaan waxba kuma soo celiyaan haba yaraatee.

Hadii ay noqoto shaqo abuur iyo dhiiri galinta dhalinyarada waxaa aan filayaa in qof waliba ka dharagsan yahay,  ganacsade waliba isaga ayaa wata inta u shaqaysa sidaa u doonana waa uu ka yeela.

Waa kooxo isku xidhan taasna waxaa ku cadaynaysa ma keenan alaab ama qalab tayo leh, meel ayay wax ka wada keenan, qiimo ayay wax ku wada iibiyan, taasina waxaa ay cadaynaysa heshiiska loo heshiiyay masaakiintan aan lahayn dawlad difaacda.

Iskaba Daa wax ay bulshada taraane, mid wal oo ka mid ah ganacsatada somaliland Dekeda ilaa Macmiilka isaga ayaa u samaystay gaadhi u qaada, waxaana meesha ka baxday masaakiintii ku dabo noolayd.

Sida aynu ka war hayno Caalamka iyo soomaaliland waxa ka jirta dhibaato uu sababay cudurka loo bixiyay Covid 19, ganacsatada aynu qalinka u qaadanay waxa ay bulshada ku taraan haba joogtee nin waliba waxa uu kor u qaaday wixii uu macmiilkiisa ka iibinayay.

Ku darsoo ma jirto ilaa iminka cashuur ay ku gabadaan oo ay u dacalsaaraan korodhka qiimaha oo ay xukuumaddu ku kordhisay.

Weli lama hayo shirkad ama shaqsi ganacsade ah oo  waqtigan adag umada la wadaagay inta ay doonataba ha ahaato’e wax u kaga qayb qaadanayo ka hortaga xanuunka.

Hadii aad eegto bilicda magaalada ganacsatada dhexe ama waweyn iyaga ayaa wadooyinka dhistay.

Iska da umada wax ay ku soo kordhiyan intaa ay dhiigoodi cuneen ayay hantidoodiina dawlada dawladda ka iibsadaan.

Ganacsatadu waxa ay wax ku yihiin bulshada ay wax ka iibinayaan taas oo ah  maasuuliyad iyo qadarinba ka saaran tahay waxaa aan leeyahay qof walba ilahay ayaa arkaya waqtigan aynu ku jirnana waa waqti ilahay ina eegayo weliba bishii Barakada lahayd ee Ramadan way soo socota war ilaahay ha laga baqo oo umada ha loo Tudho.

Naafac yuusuf Muxumed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here