Gabadh Xijaaban Oo Markii Ugu Horeysay Ka Mid Noqotay Booliska New Zealand

0

Ciidamada Booliska ee Dalka New Zealand ayaa Laga shaqaalaysiiyay Markii Ugu Horeysay Taariikhda Qof dumar ah Oo Xijaaban.

Zeena Ali Waa Gabadh Muslim ah, Waxaanay Hada Ka Tirsan Tahay Ciidamada Booliska ee New Zealand.

Arrintan ayaa Looga Gol Leeyahay In Lagu Xoojiyo Isdhex Galka Iyo nabad Ku Wada Noolaanshaha Bulshada Islaamka ah Iyo Kuwa aan Islaamka ahayn.

Waxa la Doonayaa In ay Gabadhani Gacan ka Gaysato arrimaha dadka Islaamka ah Ka Dib markii Dadka Badani ay Ku Dhinteen weerarkii lagu Qaaday Labadii Masjid ee Ku yaaalay Waddankaasi.

Gabadhan oo 30 sano jir ah ayaa soo dhaweysay Ka mid noqoshada Booliska Iyada Oo Xijaaban Waxaanay Sheegtay in ay tani Dariiqa u Xaadhi doonto in ay Dumar Badan Oo Islaam ahi ay soo geli Doonaan Ciidamada Boolis New Zealand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here