Gaadhitaanka guusha qalinkii cali dhunkaal

0
422

Alxamdulilaah ,mahad dhammaanteed waxaa iskaleh allah inaga yeelay umad islaam ah.

Waa nimco wayn oo allah ina siiyey islaanimadu oo baahan in aynu allah ugu mahad noqdo.

 Halkan waxaan kusoo gudbinayaa insha allah maqaal ku saabsan guusha,

Sababtoo ah qofkastaa waxaa uu jecelahay inu guulaysto oo aanu khasaarin,

Hadaba waxaan halkan kusoo gudbinayaa  sadex qodob oo guusha lagu gaadho.

  • Cibaado: allah waxaa uu kuu abuuray inaad kaligii caabudo oo aad la timaadid camalo suuban oo allah kuu dhaweeynaaya oo ku helisid jannooyin oo allah  ku dhamaystiray nimcooyin  aan la koobi Karin ,

  • Jannadu waa guusha ugu wayn ee la gaadho. Waxaana kasii wayn illahay oo raali kaa noqda.

  • Naartuna waa khasaaraha ugu wayn. Waxaana kasii wayn allah oo kuu cadhooda,

Maanta oo aad nooshahay ayaad kala dooran kartaa labadaas saf.

Waxaana ka turjumaya labadaas kaad dooratayna   camalkaaga,

Noloshu waa dahab u baahan in laga faa,idaysto oo looga faa,iidaysto wixii allah kuu dhawaynaaya, kana fogaatid wixii allah kaa reebay.

  • Waalidka, allah markuu quraanka innoogu sheegay inaynu kaligii caabudno , booska labaad waxaa uu ka dhigay waalidka in loo ixsaan falno oo la wanaajiyo,

Rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxaa uu yiri :

  • Allah waxaa uu raali ka noqdaa qofka ay labadiisa waalid raali ka noqdaan,

  • Allah waxaa uu u cadhooda qofka labadiisa waalid u cadhoodaan,

Ducadda waalidku waa furaha aduunyada iyo aakhiraba ,waana guusha aduunyadda iyo aakhiraba .

Haddaad haysato ducadda waalidka waxaad gaadhaysa himiladaada adoon ku dhibtoon, waxkastoo kugu adkaadana allah waxaa uu ku furayaa albaab wayn oo aad ka baxdo.

(Hooyo macaan saynab allah hayga dhigo kii guda xaqaaga, allah raali hakaa ahaado).

  • Wakhtiga: qodobka ugu danbeeyaa waxaa weeye wakhtiga .

  • Wakhtigu waa dahab u baahan in laga faa,idaysto oo looga faa,iidaysto

Wixii aduun iyo aakhiraba ku anfacaaya.

Waxaa hubaala haddaad xaqiijiso sadexdaa qodob waad guulaysatay.

                                 Allaa – mahadleh

w/d: cali ibraahim dhunkaal

sanaag901@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here