Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Wadda Yeeshay

0
86

Hargeys(SN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Nairobi kula kulma yCabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah ururka ONLF.Kulanka oo la sheegay inuu wakhti badan qaatay ayaan laga soo saarin wax war ah balse xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si kooban uga hadlay kulanka uu gudoomiyahoodu la qaatay Qalbi Dhagax waxaanu yidhi ““Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu la kulmay xoghayaha ururka ONLF iyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.” Ayuu si kooban u yidhi xoghaye Yuusuf Kayse.Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hore u sheegay inuu Cabdikariin Sheekh MuuseQalbi Dhagax ku soo casuumi doono somaliland, balse kulankan ayaanay wali ka soo bixin in hogaamiyaha Ucid ugu soo fidiyey casuumadaas uu hore u sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here