Farriin ku socota ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Soomaaliland.

0

Inkasta oo cidda farriintani ku socota intooda badan laga yaabo in aanay maalmahan baraha bulshada fursad u helin, haddana waxa aan rajeynayaa in farriintan koobani ay tiro badan la gaaadhsiiyio isla markaana ay anfacdo.

1- Ugu horreyn waxa aan idinku hambalyeynayaa in aad geeddisocodkii waxbarashadiinna istaankan soo gaadhsiiseen.
2- Mar labaad waxa aan idiinku ducaynayaa in uu Alle idin kaalmeeyo oo imtixaanka idiin fududeeyo, dhammaan idin guuleeyo, geeddisocodka waxbarashadiinnana khayr idiinku dhammaystiro.

3- Dadaal dhab ahaan loo geliyey waxbarashada ayaa dhala guusha imtixaanka, waan hubaa in akhyaartii sannadka oo dhan soo dadaalaysay ay u baahanyihiin dadaal ka yar ka ay u baahanyihiin kuwii sannadka dhexdiisa dadaalkoodu yaraa, welise fursad baad haysataan dhammaantiin aad ku guulaysan kartaan, keliya dadaal habeysan oo wakhtiyeysan geliya diyaarinta imitxaanka.

4- Akhris wadareedku inkasta oo uu aad u fiicanyahay haddana, waxa uu leeyahay wakhti lumis, waxaanu ku fiicanyahay dad isla jaanqaadi kara oo heerarka akhriskoodu isku dhowyahay.

5- Si kasta oo aad u dadaasho, waxa keliya ee aad ku guulaysankartaa waa kaalmeynta Alle, marka aad dadaalkaaga bilaabayso iyo marka aad dhammayso ee warqadda imtixaanka laguu dhiiboba qalbigaaga Alle u hibee, ducayso oo talo saaro in uu kuu fududeeyo imtixaanka oo ku caawiyo.

6- Wakhtiyada barakada leh kula dadaala wax akhrinta, ha daalin naftaada wakhtiga imtixaanku soo dhowyahay, sidoo kale ha ku mashquulin imitixaan aad soo dhaaftay ka fekeriddiisa iyo falanqayntiisa, niyad jab iyo wakhti lumis labadaba waa laga dhaxlaa ee ka feejignow arrintaas inta imtixaanku socdo.

7- Ka dheerow ka feejignow, ha ku fekerin in aad samayso QISH, qishku waxa uu barako tirayaa fahamkaaga, waxa uu sababayaa in aad illowdo wixii aad taqaanay, waxa uu burburinayaa mustaqbalkaaga, waxaanu raad xun kaga tegi doonaa aqoontaada danbe, in ay dadku wada qisheen qishku ku fiicnaan maayo oo ku xalaaloobi maayo, dar ilaahay uga tag waxa aad heli doontaa wax ka fiican waxa aad ku heli lahayd qishka xaraanta ah.

8- Mar kale waxa aan Alle idiin wayddiinayaa in uu idin kaalmeeyo oo idin guuleeyo

Dr-Abdulqani Hussein Beder..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here