Fanaanka Cabdi Tahliil Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0

Allaha haw U naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo  Muddo.Dheer Oo uu u jiifay Xanuun Asiibay, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya

Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, waxaa hadda la ii xaqiijiyay in uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeyn ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here