Fanaanadii Qadiijo Dalays Oo Ku Geeriyootay Canada

0
227

Waxaa dalka Canada magaalada Toronto ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanaddii Weyneyd ee Hobolada Waabari Qadiijo Cabdilaahi Daleys.

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Qadiijo Cabdilaahi Daleys ayaa ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeya ee heesa, sidoo kale waxaa la sheegaa inay aheyd gabadhii u horeeya ee heesta gabdhaha ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Qadiijo Cabdilaahi Daleys ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Moqdisho, waqtigaas oo aysan jirin Aalada duubista waxey sameyn jirtey in ay timaado idaacada ay si toos ah heesaha uga qaado.

Waxaa lagu xasuustaa heeso dhowr ah oo ay ka mid tahay heestii ugu caansaneyd ee “Muruqiina Maaloo” Dhulka miro ku beeroo Macdanta, dahabka Muujiya wanaaga.
Source: Hiiraanonline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here