Fanaan Caan Ka Ah Ethiopia Oo Xalay Fiidkii Lagu Dilay Addis Ababa

0

Fanaanka Caanka ah ee ka soo jeeda Qoomiyadda Oromia  Hachalu Hundessa ayaa la sheegay in lagu dilay caasimada Dalka Ethiopia ee  Addis Ababa.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay warbaahinta xidhiidhka  la leh dowladda, Fana Broadcasting Corporate (FBC), waxaa lagu toogtay xalay fiidkii meel u dhow Guryaha loo yaqaan ‘Gelan Condominiums’.

Taliyaha Komishanka Bilayska ee Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa sida la soo weriyey u sheegay Warbaahinta Itoobiya  in bilaysku ay dhacdadaas u xidheen dad lagu qiyaasay ilaa toban qof.

Ciidamadda Booliska ayaa dhinaca kale sheegay in ay warbixin dhamaystiran ka bixin doonaan sida uu dilku udhacay iyo waliba cida ka dambaysay marka ay dhamaystaan baadhitaanadda.

xiisad ka dhalata dilka fanaankan ayaa laga cabsi qabaa, waxaana jira meelaha qaarkood oo ku yaala Magaaladda Addis ababa oo la xidhay jidadka.

Booliska ayaa la soo xoojiyay waxaana ay dadka fareen in ay ilaashadaan amnigooda guud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here