Faaruqiinta Faysbuugga W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

0
391

Sandadan dambe waxaa soo kordhay aalad casri ah oo bulshda u sahlaysa in ay wada xidhiidhaan si dhib yar meelkasta oo ay dunid ka joogaan aaladan oo ah shabakadda faysbuugga loo yaqaan (facebook)  ayaa waxa qabatimay  soomaali badan kuwaas oo hadh iyo habeenba ku foogan isticmaalkiisa oo ay qarkood ku dhiig beeleen kadib markii ay mudo badan kusoo jeedeen isticmalkiisa ,

Hadaba shabakadda faaysbuug oo faaiido iyo khasaaraba leh taas oo ku xidhan hadba dhankii loo adeegsado ayaa waxa jira soomaali badan oo si faaruqnimo ah u adeegsada kuwaas oo qaababkan kala duwan u isticmaala.

                                Kuwo ka caytama

Waxa jira kuwo inta ay si toos ah u soo galaan ka caytama oo caaya hadba cidii qancin wayda sida madaxda, qabiilo, dawlado, siyaasi, cuqaal, iyo hadba cida ay sanifaan kuwaas oo ku caaya hadba wixii afkooda ku soo dhaca iyagoon u aabo yeelayn.

                               Kuwo anshaxa ku tunta

Waxa kale oo jira kooxo iygauna anshaxa ku tunta oo waxay doonaan ku sheekeeya mar marka qaarna soo dhiga sawro dad caan ah oo lagu dhajiyey dad qaawan mar marka qaarna ku baahiya sawirada  lamaane aan is qabin oo ay sheegaan in ay isguursan doonaan mustaqbalka.

                          Kuwo waxay doonaan sheegta

Waxa kale oo jira kuwo iyaguna  waxay doonaan sheegta iyagoon aqoon u lahayn  sida dhakhtar, siyaasi, qoraa, suxufi, fanaan, aqoonyahan, injineer,  abwaan, iwm

                            Kuwo ka dhex ooya!

Waxa kale oo jira kooxo aad moodo inay xaga maskaxda yihiin oo ka dhex ooya!

Iskuwada dar oo waxaan kula talin lahaa bulshada in  dhanka wanaagsan loo adeegsado aaladan iwm ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

                                   Hargeysa somaliland

                                          Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here