Ethiopian Airline Oo Loo Aqoonsaday Diyaarada Ugu Wanaagsan Afrika

0

 

Shirka Diyaaradaha ee Ethiopian Airline oo ka mid ah shirkadaha ugu balaadhan Qaarada Afrika ayaa ku guulaysatay markii labaad in ay tahay shirkadda ugu wanaagsan ee ka hawl gasha qaarada Afrika.

Abaal marintan oo ay bixiso sanad walba shirkada SKYTRAX, ayaa waxa lagu sheegay war ay soo saartay in ay codkooda siiyeen Dadka Rakaabka ah ee Diyaaradaha Ethiopian Airline raaca.

 

Guddoomiyaha Skytrax Edward Plaisted oo ka hadlay arrintaasi ayaa yidhi “Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airline waxa codka siiyey Dadka Rakaabka ah ee diyaaradaasi raaca, waana arrin cajiib ah oo ay gaadheen maamulka shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline” ayuu yidhi

Sidoo kale masuuliyiinta shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa sheegay in diyaaradu ay ka shaqayso 55 caasimadood oo ku yaala Qaarada afrika isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay uga sii midho dhalin lahaayeen hamigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here