Ethiopia Oo Sheegtay In Ciidamada Eritrea Ay Baxayaan

0
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritariya bilaabeen inay ka baxayaan dhulka Itoobiya, iyadoo goobaha ay banneeyeena la wareegeen ciidamada qaranka Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay waddamada G7 ay Itoobiya ugu baaqeen in ay ciidamada Eritariya si deg deg ah uga saarto gobolka Tigray.
Abiy Ahmed ayaa toddobaad ka hor sheegay in ciidamada Eritariya ka baxayaan gobolka Tigray, balse dadka rayidka ah iyo ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in weli lagu arkayo ciidamada Eritariya magaalooyin waaweyn oo katirsan gobolka Tigray.
Barre Cali Qaaje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here