“Ethiopia Nin Muslim Ah Baa Ra’isal Wasaare Ka Noqonaya”  Daniel Berhane

0
985

Dalka Itoobiya ayaa loo saadaalinayaa In uu taariikhda Markii ugu horeysay Ra’isal Wasaare Ka noqon doono Nin islaam ah oo ka soo jeeda mid ka mid ah Qoomiyada ugu badan wadankaasi ee amhaarada.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Demeke Mekonen ook tirsa xisbig Amhara National Democratic Movement (ANDM) , sidaasna waxa saadaaliyay isla markaana bogga uu ku leeyahay Twitterka soo dhigay Daniel Berhane oo ka mid ah saraakiisha degel dhinaca internetka ah oo ay xukuumadda Itoobiya iska leedahay.

waxa uu xusay in xukuumadda Wadana Itoobiya uu hogaamin doono raisal wasaare Islaam ahi waxaanu yidhi “Dhamaadka Todobaadkan, dalka Itoobiya Ra’isal Wasaare Ka noqon doona Nin Muslim ah, ra’isal wasaare Ku Xigeenkuna waxa uu ka iman doonaa SNNPR” ayuu yidhi.

180 xubnood ee guddida fulinta ee Xisbiga Xukuma dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa weli ku guddo jira fadhiyadoodii ay kaga tashanayeen sidii ay soo dooran lahaayeen Ra’isal Wasaaraha Cusub ee dalkaasi hogaamin doona, maadaama uu xilkaasi baneeyay Ra’isal Wasaarihii Hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here