Ergadii Dhexdhexaadinta oo la sheegay In Ay La Kulmayaan Madaxweyne Biixi

0

Ergada dhexdhexaadinta xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliland ayaa bilaamay, ka dib markii ay dhawaan ku guulaysteen sii daynta maxaabiista siyaasiyiintii ka xidhnayd xisbiga Mucaaradka ah ee waddani.

Ergadan oo ay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta xisbiyadda mucaaradkuba ay siiyeen Kalsoonida ayaa waxa ay la kulmeen labada xisbi ee waddani iyo ucid.

Xisbiyadda iyo UCID waddani ayaa kulankooda ay la yeesheen ergada waxa ay u sheegeen xalka ay u arkaan in lagaga gudbi karo ismarin waaga siyaasadeed ee ka taagan soomaalilnad.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna la filayaa in ay maanta la kulmaan ergadaasi, iyada oo laga dhursugayo halka ay wax isla dhigi doonaan.

khilaafka dhinaca siyaasada ee u dhaxeeya xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda talada haysa ayaa caqabad ku noqnoqday dhaqdhaqaaqyadda dalka ka jira.

Geeska afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here