Duufaan Waxyeelo Gaadhsiiyay Dhismaha Taariikhiga Ah Ee Taj Mahal Oo India Ku Yaala

0
329
Ì©¼§Áê¸ßÇå±ÚÖ½

Dufaan xoog badan ayaa waxa ay waxyeelo u geysatay laba ka mid ah minaaradaha Guriga taariikhiga ah ee Taj Mahal oo ku yaala waqooyiga dalka India.

in kasta oo ay wararku sheegayaan in sidii ay u xoog badnayd duufaantu aanay khasaare u soo gaadhsiinin dhismahaasi.

warkan oo lagu baahiyay telefishanka NDTV ee dalka India ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in duufaanta dhacaysay ay jaraysay xawaare dhan 130 kilometers (80 miles)  saacadiiba.

Bhubanesh Kumar, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan waaxda aataarta qadiimiga ah ee dalka india ayaa sheegay in Dhismaha Taj Mahal aanay wax badani soo gaadhin, marka loo eego dabaysha dhacaysay xooga ay lahayd.

dalka India ayaa dhismahani uu qayb laxaad leh ka qaatay dhinaca dalxiiska, waxaana sanadkii u soo dalxiis iyo daawasho taga dhismahaasi dad lagu qiyaasay 7 ilaa 8 milyan oo qof.

dhismahan ayaa waxa dhisay Mughal Emperor Shah Jahan, waxaana taariikhda uu dhisay oo ku beegnayd qarnigii 17-aad uu ugu talo galay afadii u dhaxday oo lagu magacaabi jiray Mumtaz Mahal.

A powerful storm toppled two minarets at the entry gates of the famed Taj Mahal in northern India, but no damage was done to the white marble main building, an official said Thursday.

Bhubanesh Kumar, an official of the Archaeological Survey of India, said the damage was minor and will be repaired by experts.

He said winds during the storm Wednesday night reached 130 kilometers (80 miles) per hour.

One of the damaged minarets was a 3-meter (12-foot) pillar at the main gate. The other was a smaller pillar at the southern gate used by visitors to reach the monument.

The 17th century Taj Mahal attracts between 7 million and 8 million visitors a year. It was built by Mughal Emperor Shah Jahan in memory of his wife, Mumtaz Mahal. It is in Agra, 210 kilometers (130 miles) south of New Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here