Duqa Magaalada Berbera Oo Shir La yeeshay shaqaalaha Heerka jaamacadeed ee ka Hawl Gala dawladda Hoose

0

Shirkan oo dhalinyarada aqoonyahanka ay kuso bandhigeen aragtidooda ku taxaluuqda sidii aqoontooda ay ugu biirin lahaayeen hayaanka horumarineed ee ka hanaqaaday magaalada.

Kulankan saacadaha qaatay ayaa waxa ka soo baxay dhawr qodob waana sida hoos ku xusan.

1: Side loo samayn lahaa isbadel muuqda oo dhinac kastaba ah

2: In wax ka badel lagu sameeyo bilicda guud ee magaalada

3: In wax ka badelno nidaamka hore Ee aynu u shaqaynay

4: In qofkastoo shaqaale ah
Lageeyo goobtii ku haboonayd, Kaas oo mihnadiisa waxbarasho ay tahay

5: In shaqalaha lagu dabo galo shaqada uu u hayaan Dowladda Hoose Ee Degmadda Berbera.

Shirkan u dhexeeya maamulka dawlada hoose iyo shaqaalaha heer jamacadeed ee ka hawl gala dawlada hoose ayaa ah mid joogta ah oo sanadkiiba dhawr jeer laysku yimaado iyadoo lagu kala qaato qorshe iyo hawl qabad mudaysan.

Isku tashi baa horumar keena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here