Dumarka Uurka Leh Oo Looga Digay In Ay Dhabarka U Jiifsadaan

0

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dumarka uurka 6 bilood iyo ka weyn ah lihi ay yarayn karaan khatarta ah in ilmuhu ka soo dhaco ama ku dhex dhinto, haddii ay dhinac u seexdaan, kana feejignaadaan u seexashada dhabarka.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Huddersfield ee dalka Ingiriiska ayaa cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka E-Clinical Medicine tijaabooyin ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in hooyada dhabarka u seexata marka uu uurkeedu gaadho toddobaadka 28-naad, ay qiyaas boqolkiiba 50 ka badan ay labanlaabanto khatarta ah in ilmuhu dhinto, marka la barbardhigo hooyooyinka dhinac u seexda.

Hay’adda adeegga caafimaadka ee qaranka Ingiriiska oo ah hay’ad dawladeed ayaa natiijada cilmibaadhistan waxa ay ku dartay talooyinka ay aaminsan tahay in haddii hooyadu ay ku dhaqanto ay boqolkiiba 50 dhimayso cabsida laga qabi lahaa in ilmaha uurka ku dhinto. Taas oo ah talo ay xaruntani si joogto ah u siiso hooyooyinka uurka leh.

Dr. Tomasina Istaasi oo hoggaaminayey xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey ayaa sheegtay in cidhiidhka ku dhacaya halbawlayaasha dhiigga marka ay hooyada uurka lihi dhabarka u seexato ay sababto in uu khalhhal galo ama hoos u dhaco caabbiga dhiigga gaadhaya wadnaha hooyada, taasina waxa ay yaraynaysaa dhiigga uu wadnuhu tuurayo ee gaadhi lahaa xubnaha jidhka si guud iyo gaar ahaan makaanka hooyada. Xeeldheere Tomasina waxa ay sheegtay in sida ugu fiicani ay tahay in hooyada uurka lihi ay dhinac u seexato.

Dr. Tomasina waxa ay sheegtay in dhinac u seexashada hooyada uurka lihi ay sida oo kale yarayso cago bararka ay marar badan isku arkaan haweenka uurka lihi, sida oo kalana waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga oo si habsami ah jidhka oo dhan u gaadha.

Jimciyadda dhakhaatiirta daraaseeya arrimaha uurka iyo xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha oo ka jirta dalka Maraykanka ayaa daraasaddan kaddib soo saartay talo iyo digniin caafimaad, oo ay hooyada uurka leh ugu sheegayso in aanay u seexan dhabarka. Gaar ahaan marka uurku uu gaadho toddobaadka 28 naad.

Digniinta jimciyadda ayaa lagu sheegay in dhabar u seexashadu ay sababto in ay yaraato awoodda caabbiga dhiigga ee wadnuhu tuurayo, taasina ay dhaawacayso in dhiiggu uu wada gaadho jidhka oo dabcan ilmaha uurka ku jiraana uu ku sii xidhan yahay maadaama oo uu qaybtiisa ka qaato dhiigga uu tuurayo wadnaha hooyadu.

Turjumaddii: Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here