Dr Gaboose si luxdan oo qotadheer buu u hadlay oo runi dhex ceegaagto.

0

Warfaaga Kulmiye na si yooyootan ah oo liidatuu ugu jawaabey….Waxa Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Nuxurka hadalka Dr Gaboose waxa uu ahaa: ‘In Somaliland baallihii ka soo rifmayso, dhexdiina uu xar ka galay’.

Waa xaqiiq midhkaasi oo laaxin laga jari maayo.

Ciidamadii degaanka Sanaag Bari ee qulub dhaqaaqay, Puntland na u galay iyo sidii bahdilka ahayd ee jananka ciidamadu uga hadlay xukuumadduna aanay ilaa hadda xaalka uga bixin, saw wax jira ma aha?

Suudalka labadii Profossor ee Samatar iyo Khaliif ee dabuubta tabliiqiga siyaasadeed ee ‘Somalilad la wada leeyahay’ markii laga dhegeysan waayey shibtooda galay, saw run kale ma aha?

Tabashada Garxajis ee isu dheellitir- doonka ah ee dheg loo jalaqsiin waayey iyo sida bahdilka ah ee odayaasha marba loo meehannaabinayo ee cajaladaha looga duubayaa, saw mahadho kale ma aha?

Dadka la iska xidhxidhayo ee xabsiyada lagu gurayaa, saw mutuxan kale ma aha?

Garsoorka gabloolay, dhaqaalaha qombobay iyo dhulboobka jidoobey ee maatida lagu barakicinayaa, saw masiibo jirta ma aha?

‘Kaadi dibileynta’ arrimaha doorashada ee Muuse Biixi la soo baxay ee sal dhigi waayey, saw cuyuban kale ma aha?

Gaboose maxaa loo xagxaganayaa, mise runtaa la isku fantaynayaa? Saw tan oloshey ee reemaysa ma aha!

Agaraadamnimada xukuumadda Kulmiye waxa kaaga marag ah doqonniimo hadalka mas’uuliyiinteeda ee kii hadaaqaaba uu dhooqada iyo ligiska qaadayo.

Warfaaga Kulmiye golihiisa dhexe ayaa u dambeeyey ‘meyd la sii sido’.

Ku lahaa, “waxaas uu Gaboose sheegay waxba kama jiraan. Gaboose waa raggii abaabulay shirkii ugu xumaa ee Gacan Libaax. Lama arag Gaboose oo meel nabad lagu hayo ka dhex muuqda. Waa dhiig-miirte dadka dhakhtar u furtay , oo biiliya Caarre”.

Illayn af aanad lahayn ma qabatid!

Aaway natiijada xun ee shirkii Buurta Gacan Libaax ka soo baxday ee wax ina yeeshay?

Yaa qiimeeyey se in shirkii Gacan Libaax ahaa kii ugu xumaa? Maxaa se hadalka Gaboose iyo shirkaas beriga hore dhacay hadda la isugu xidhayaa?

Waa gef iyo xaalad abuur is huwan arrinkaasi!

Haddii uu Dr Gaboose furay cusbitaal caalami ah oo Soomaali oo dhani kaga maarantay in ay dibedda caafimaad u doonato dhinaca takhasuska Gaboose oo uu wakhti iyo dhaqaale ba ummadda u baajiyey, ma in lagu baqsaa baa oo lagu dhaleeceeyo, mise waa in lagu bogaadiyaa oo lagu dhiirri-geliyaa?

Seeftu galka ma le’ega, uma na ega!

In se uu Warfaa sidaa dilan u hadlaa waxa ay ku tusinaysaa cidla’ ciirsilada gabayooxa badan ee taladii waddanku yuururto, aragti la’aanteeda marka mas’uul xisbigii talada hayey oo afkii xukuumadda ku hadlayaa sidaas ‘halka suunka aynu ka xidhanno ka hoosaysa u hadaaqo’. Waa jawaabtii xukuumadda ee hadalka Gaboose.

Allow ma ogtahay?!

Arrinta Caarre iyo biilinta Gaboose ayaa timi, iyaduna waa ‘ninka sheegay ma dhaafto’ oo caddayn keen baa ka furan!

Somaliland: “dee Muuse waa kaas”!

Gaboose si aqoonaysan buu u hadlay oo lexlojeclo badani ka muuqato, Warfaa se wuu darjiidhay oo guulwade hadaaqay.

Wax-kala-garatadu intaas waa ay fahmaysaa, wax-ma-garatadu se indho kalay ku eegaysaa. Waa indhihii doqonta.

Talada iyo xalka uu Gaboose soo jeediyey waa ‘bar-ku-joog’ laga ma maarmaan ah.

Shirkii Burco lagaga dhawaaqay oo la xoojiyo qabashadiisa iyo sii tayayntiisa oo Gaboose xalka ku daray waa soo noolaynta rejada isha miirta ka sii dhigaysa bulshada inteeda badan.

Shirkaasi ha qabsoomo oo mijaha ha u sii kala bixiyo Bari iyo Galbeed iyo inta ka dhex leh.

“Ninkii ‘boojimo’ ku yidhi
‘Shalaad barataannu’ nidhi
Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here