Dr. Gaboose Oo Mihnadda Caafimaadka iyo Siyaasadaba Ka Baxay

0
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo muddo dheer isku soo dhex waday Mihnada Caafimaadka iyo Siyaasadda, xilal Wasiirnimona ka soo qabtay Xukuumadihii soo maray Somaliland ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay in uu ka fadhiistay Siyaasadda.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sidaas ku sheegay mar uu maanta u waramayay Warbaahinta Madaxa Banaan ee ka hawlgasha Hargeysa.
sidoo Kale waxa uu sheegay in uu iyadana ka fadhiisan doono Mihnadda Caafimaadka oo uu muddo aad u dheer ku soo dhex jiray.
“Waan ka fadhiistay siyaasadii iyo dhakhtarnimadiiba waxaanan wixii hadda ka dambeeya ka shaqeyn doonaa cibaadada iyo samafalka”.
Laga Bilaabo Maanta Waxaan Hantidaydii Ku Wareejiyey Ubadkayga Si Aan Wakhti Ugu Helo Cibaadadayda” Ayuu Yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here