DR.Cabdishakuur SH. Cali Jawhar Iyo Aniga

0

 

 

Waxaan baryahan si taxane ah u akhrisanayay maqaalo uu ka qoray Boobe Yuusuf Ducaale, Alle ha u naxariiste halyaygii Cabdishakuur Sh.Cali Jawhar oo ahaa qof caana kana soo jeeday qoys caan ah oo iskadaa Somaliland ee soomaali oo dhan wada taqaanay,  kuna caan baxay inuu ahaa dhakhtar naxariis badan, kaasi oo marka uu ka gudbo xuduuda Somaliland u talaabi jiraay Soomaaliya. Halkaas oo uu ku qaadan jiray sanad walba muddo dhawr bilood ah, si uu ugu fidiyo daawayn lacag la’aan ah dadkaasi soomaliyeed.  Sabatuna ahayd damqashada uu dadkiisa u damqanayo, haba ku kala gadisnaadeen xuduudaha ama ha kala ahaadeen wadamo dhowr ah sida Jabuuti, Somaliland Somaliya iyo kuwaa ku hoos nool Ethiopia iyo Kenya. Maa uu ahayn nin dadka ku qiimeeya qabiilka ay ihiin iyo halka ay ka soo jeedaan asal ahaan. Sifadaasi oo ay aad u adagtahay in laga helo qof soomali ah. Dadka faro ku tiriska ah ee qabyaalada ka xoroobay ee aan xusi karo waxa ka mid ah Dr. Cabdishakuur, oo aynu maqaalkan kaga hadlayno, Dr Adan oo dhawaan Hargaysa ku geeriyooday iyo Dr Taani. Waa qoloda aan u bixiyay magaca ah Dadka ka Xuduuda Qabiilka ka Gudbay.

Aadan Abokor oo ahaa dhakhtar ka mida dhalintii UFFO ee xaqii ku helay Hargaysa dhawaan waxaan jecelahay inaan ku ladho Dr.Taani oo dhalintaa ka mid ahaa isna waa bahda qabiilka iyo xudduudiisa ka gudbay iyo in kale oo faro ku tiris ah oo Somaliland u dhalatay hase ahaate aad bay  u kooban yihiin kuwaa aan xusayo ee ay ka mid ahaayeen.

Aan xuso habeen ka mid habeenada aan aad ka u xasuusto oo ahayd May 18 keedi 2011kii,  goobtuna waa Chaltham House oo ah Machad lagu lafo guro siyaasada iyo dhaqaalaha adduunka kaasi oo ku yaala London. Waxa goobta loo asteeyay in ay fadhiistaan Panel ama kooxda hadal ka jeedinaysay, kooxdaasi oo uu calanka u siday Cabdishakuur Sh.Cali Jawhar. Isaga ayaa ahaa qofka koobaad ee hadalka intiisa badan iska leh (Main Speaker) aanu u soo diyaar garownay dhagaysigiisa. Waxa weheliya dhowr xildhibaan oo ka tirsan Guriga Duqayda (House of Lords) ee Golaha labaad ee UK,  kuwaasi oo aad ugu dadaala qadiyada Somaliland. Run ahaantii habeen aad u bilan ayuu ahaa.

Dadkii kale ee ka mid ahaa habeenka ee hadalka ku qornaa waxaa ka mid ahaa Jaamac Muuse Jaamac oo inoo sheega inuu yahay Dr  ama haysto shahaadadda ugu saraysa ee PHD-da,  barre sarena ka ahaa Jaamacad ku taala Taliyaaniga. Haddaba anigu waxaan ka mid ahay inta uu shakigu kaga jiro inuu haysto shahaadadda ugu saraysa cilmigga maadiga ah ee PHD-da, waayo habeenkaa oo lagu hadlayay luuqada Ingiriisiga waa uu gawl-gawlayay oo badiba dadkii Kulanka fadhiyay waxa ay is waydiinayeen waxa uu yidhi ama uu u jeeday markasta oo uu hadlo. Sidaa si la mid ah ayaa xaaskiisa Ayaan Cashuur iyana ay u gawl-gawshaa luuqadda Ingiriisiga oo dhowr sanno ka hor abaartii dalka ku dhufatay ayay waraysi ugu tagtay wariye ka socota ITV dalka UK ka dib su’aalihii la waydiiyay wixii ay ku jawaabtay waa la fahmi kari waayay, waayo waa ay iska hor iyo daba keenaysay Verbs, Subject iyo Objects ka, aad ayaanay u adkayd in wixii ay lahayd la fahmo markii danbena waxaabay ku dhufutay oohin loo qaatay inay ku qarinaysay aqoon la’aanta luuqadeed ee haysta, ogow waliba oo waxa ay xiligaa ahayd wakiilka Somaliland u fadhiya UK. Allow muxuu Wakiil ama Ambassador magacii ku jabay Somaliland, khaasatan intii ay yimaadeen labadan aan la mahadin ee Siilaanyo iyo Saaxiibkii uu siyaasadda khaakhda iyo Shiishta u dhigay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan).

Aan u soo noqodo Cabdishakuur ee kolkii uu si xarago leh u markii uu dhameeyay hadalkii uu noo jeediyay Aqoonyahan Cabdishakuur Sh.Cali Jawhar oo uu waliba noogu daray inuu wakhtigiisa u qaybiyay mid uu ku qaadan jiray Canada oo uu si rasmiya u daganaa iyo Somaliland oo uu bukaanka dhimirka u iman jiray dhowr bilood sanadkii, iyadoo aanu ka tagin inuu caawiyo kuwaa reer Somaliya oo iyagana uu jiidh ugu yaalay.  Inkastoo la kala yahay Somaliland iyo Somaliya haddana damiirkiisa ayaa noolaa oo waxa uu la mid ahaa Dr Maxamed Sheekh oo ku dardaarmay, ka hor intii aanuu xaqqu u iman in lacagtii uu haysatay cusbitaal carruureed Hargaysa lagaga dhiso, bacdamaa ay ahayd goobta kaliya ee nabad sugani ka jirto dhulkii la isku odhan jiray Somaliya.

Waxaanan Eebbe uga baryayaa inuu labadoodaba u naxariisto bacdamaa ay ka

gudbeen xayndaanbka qabiilka iyadoo aan kor ku soo xusay qaar kuwaa ka mid ahaa sida Dr Aadan Abokor,Maxamed Baaruud Cali,.Dr Taani, Maxamed Sheekh iyo Cabdishakuur Sh Cali Jowhar.

Goobta oo kululayd iyo bisha oo May ahayd ayaa Dr Cabdishakuur Sh.Cali Jawhar markii uu dhameeyay hadalkiisii su’aalana lagu boobay ka dib ayuu dibadda uga soo booday goobtii hadalka uu ka jeediyay isagoo door biday inuu isku dhigo neecowda dibadda ka dhacaysay oo uu cabaar isku soo qaboojiyo, ka dib halkaa ayaanu iska helnay aniga iyo Dr Cabdishakuur oo aanan aqoon shakhsi ah isku lahayn, waligayna si fool ka fool ah aanan isu arag. Salaan ka dib waxaanu si wanaagsan isula jaan qaadnay sheekaddii oo aan ugu bogaadiyay sida xaragadda leh ee uu hadalkaa u jeediyay iyo sida uu u caawiyo dhowr bilood dalkaa Somaliya oo aad ii soo jiitay.

Dr Cabdishakuur iyo anigu sidii laba nin oo meel u wada socday oo talaabada isla helay ayaanu isku la jaan qaadnay. Iyadoo aanu dhexda kaga jiro sheeko macaan oo aad na moodo dad illaa waligoodba is yiqiinay, ayaa axa nagu soo dhex dhacday inan yar oo aan ku qiyaasay haddii ay ugu badato inay ahayd 20 jir oo aad u dhiiran. Bariido gaaban ka dib waxa ay noo sheegtay in wixii halkaa caawa laga soo jeediyay ee amaan ahayd ay Somaliland u qalmaysay wax badana ay dadka reer Somaliland qabsadeen laakiin aanay wali ku guulaysan inay noqdaan dal madax banaan. Caalamku wali u aqoonsan yahay inay yihiin kuwo Somaliya qayb ka ah.

Waa run oo sidaa ay sheegtay ayay ahayd laakiin wax kale ayaa ka dahsoonaa oo aanay ogayn inta aanu aniga iyo Dr Cabdishakuur is dhuganay ayaanu u hidin waynay wax ka badan oo ah inaanu ku nidhaahno “waa runtaa adeer”.

Yartaas oo aan is leeyahay waxa ay ka soo jeeday gobaladda Bari ama Nugaal, ayaan ka war qabin halka in aqoonsiga Somaliland aanay ahayn hawl u taala adduunyadda ee ay tahay hawl ay ka gaabiyeen kuwa Alle uga dhigay hogaanka Alle uga dhigay. Aqoon darro iyo curin la’aan siyaasadeed ayaa isku biiray oo kaliftay inay waayaan meel ay farta ku fiiqaan oo ay aqoonsigii ugu tilmaamaan dadka reer Somaliland. Dhawr jeer ayaan u holaday in aan yarta runta farta ka saaro, haddana waan ka gaabsaday oo aqoon uma lahayn, aniga iyo iyaduna waa kala waynayn, labad dalna waan ka kala tirsanayn. Intaas oo aan isku geeyay ayaa keentay in aanan ku odhan “Waa runtaa adeer” wax ka badan, si aan u soo gaabagabeeyo warkeeda oo aan sheekadii ay naga dhex gasgay ugu noqono. Halkii ayaan ka sii wadanay, waxaana uu ahaa sheekeeye dabeecad macaan. Waxa aan Eebe ka baryaya in uu naxariista balaadhan ugu deeqo isaga io inta kale ee aan kor ku xusay ba.

Yartii naga dhabqisay kulankaana jawaabtii aan siin lahaa waxa weeye in aanay Somaliland lahayn siyaasiyiin dhab ah, hase ahaatee ay leedahay danaystayaal ku andacooda inay yihiin siyaasiyiin. Haddii aanay sidaa ahayn wakhti ku siman 15 sanno ka hor ayaan rajaynayaa inay Somaliland noqon lahayd dal madax banaan oo calankiisu ka babanayo UN-ta iyo badiba adduunka intiisa kale oo ay maanta ku lahaan lahayd safaaraddo. Haddiiba ay isku daydo waa yartaase inay timaadana waxay iman lahayd iyadoo edeb iyo asluub leh oo sida ta Passport-ka dalka aanu jaarka nahay ee Somaliya.  Markaa aan ku soo af-meero maqaalkan kooban erayo aan ka soo ergaystay Abwaan Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Geeridii Dr Cabdishakuur Sh. Cali Jawahar dishaay geedkaa ha Ba’o.

Qore: Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here