Dowladda Federaalka oo ka hadashay Duqeyntii Degmaada Wadajir.

0
23

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee ay ku dhinteen 4 Qof oo shacab ahaa.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in weerarkaas ay cambaareneyso,waxaa ay bogaadisay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay sheegtay in ay tageen goobtii ay wax ka dhaceen una gurmadeen dadkii shacabka ahaa.

Waxaa ay tacsi u dirtay dadkii ay ehelkooda wax yeellada ka soo gaartay weerar Hoobiyayaal ahaa oo shalay ka dhacday Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka shalay ka dhacay Wadajir,waxaana ay ku sheegeen in ay la beegsadeen Saldhigga Ciidanka AMISOM ee xerada Xalane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here