“Doorashadii 2003 , Bariga Hargaysa Vs Bali-calanle ”.

0

 

Doorashaddii 2003 , murankii ka dhashay natiijadeedu wuxuu daranaa qodobadan hoos ku xusan .

Sidda uu dhigayay xeer hoosaadkii doorashadda ee waagaasi,sanduuqa aanay saxeexin muraaqibiinta 2 xisbi wuxuu ahaa mid aan la tirin karin , sidaa darteed , farsamo siyaasadeed oo xisbiga Kulmiye habeeyay waxaa laggu kansal gareeyey 13 sanduuq oo yaalay Bariga Hargaysa oo kala ahaa ,

Sanduuqa Civil Center (Xanaanadda dhexe ) , Xanaanadda New Hargaysa(xabaalaha tiyaatarka) , Diin-qal oo aniga iyo saaxiibkay Ayaanle M Maxamuud aanu hawl-wadeeno ka ahayn , ilaa sanduuqa Tuuladda Karin-lebi ee k.bari Hargaysa .

Sababta sanaaduuqdaas loo mu’aamaradeeyeyna waxay ahayd in codadka ku jirey oo dhamaa 26 kun oo cod ay u badnaayeen Xisbigga Udub , weliba 95% ahaayeen .

Dhinaca Xisbigga Kulmiye waxaa isna lagga kansal gareeyey Sanduuq yaalay Tuuladda Bali-calanle oo ah degmadda Buuhoodle ee G/togdheer .

Sanaaduuqdaas , goobihii cod bixinta laguma tirin , degmooyinkiina laguma tirin , goboladiina laguma tirin sidaa darteed xarunta komishanka dhexena waydiiday in ay tiriso .

Xisbigga Kulmiye oo rag adag oo qamaamuuri u fadhiyeen xarunta dhexe wuxuu ku dooday in sanduuqaa loo tiriyo , xisbiga udubna wuu diiday , maadaama sanaaduuq badan si fudud looga kansal gareeyey .

Iyadoo ciyaartu halkaas marayso , ayaa xisbigga Udub badalay xubnihii gudaha ugu jirey , waxaanu ku badalay , labba ciyaartoy oo culus oo kala ah , Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose , ka dibna go’aankii soo baxay wuxuu noqday in sanaaduuqdii la kansal gareeyey dhamaan sidioodii loo daayo , natiijadda goboladu soo gudbiyeena la isu geeyo , doodii kulmiye ee ahayd sanduuqa bali-calanle xarunta dhexe halagu tiriyana waa ladiiday , sidaas ayaanay kusoo baxday natiijadda laggu dhawaaqay ee 80 cod .

Doodii Maxkamadda Sarre .

Xisbigga Udub , oo uu doodayay Garyaqaan Barkhad Jaamac Aare , wuxuu ku dooday in loo tiriyo 13ka sanduuq ee lagga kansal gareeyey .

Xisbigga Kulmiye oo uu u doodayey , Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali , isna wuxuu ku dooday in sanduuqa Bali-calanle loo tiriyo .

Komishanka doorashooyinka oo u doodayay Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ) oo imika ah raysal wasaare xigeenka Soomaaliiya , isna wuxuu ku dooday in sanaaduuqda la kansal gareeyey ee aan goobihii iyo goboladii mdina lagu tirin aan dib loogu noqonin , natiijada komishankana la adkeeyo .

Intaa ka dib , go’aankii maxkmaddu wuxuu noqday , in la qaato doodii Komishanka , natiijadda goboladu soo gudbiyeena la isu geeyo , natiijadina waxay noqotay 217 cod oo xisbiga udub ku horeeyey .

Doodii waagaas dhex martay dhinacyadanina waxay ka mid ahayd sababahii igu dhaliyay in aan sanadkii xigay sanadkaas ee 2004 aan ku biiro Kuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargaysa , si aan Lawyer u noqdo .nasiib wanaag , 3 Lawyer ee doodan ka qayb galayna waanu kulanayoo midi macalin buu ii noqday waa khadare , labada kalena waanu wada shaqaynay, Maxkamaddii sarre ee ay maalintaa ka doodayeena waanu ku wada doodnay .

Ahmed Nour Guruje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here